WAAYEELKA HALLA BADBAADIYO: Dadkii ugu badnaa oo maalmahan u dhimanaya cudurka Covid-19 & dadka oo weli dhayalsanaya

0

(Muqdisho) 24 Feb 2021 – Maalmahan waxaa sii dabar go’aya dadka da’da ah kuwaas oo uu laayey cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Bulshadeena oo madax adag darteed, waxaa la iska indha tiray ama la dhayal saday tilmaamaha cudurka, qaabka uu ku faafo iyo tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka ee ka hortagga halistaas.
Taas waxa ay dhabbaha u xaartay in ay ku le’daan waayeelkii magaalada Muqdisho ku noolaa intooda badan.
Waxaa arrintaas sabab u ah dhallinyarada oo inta cudurku ku dhoco u gudbiya kuwa u nugul ama qaba cudurada kale ee halista ah.
Fadlan, si aad u badbaadiso naftaada iyo midda waalidkaa, xiro maaskaraha wajiga, si joogta ah u dhaq gacmahaaga, kana fogow dadka waayeelka ah ee guriga kugula nool.

Aan dhammaanteen ka wada qeyb qaadanno wacyigalinta lagu badbaadinayo bulshada, gaar ahaan waayeelka.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

FG: Todobaadkii ugu dambeeyey oo qura waxaan aqaan in ka badan 10 qofood oo Muqdisho ugu dhimatay Covid-19. Hadde waa inta aan aqaan.

Hadalsame Media