MAGAALO KALA MIIRAN: Muqdisho oo usii kala qaybsamaysa labada DABAQADOOD oo kala durugsan (Akhri sheekadan)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2021 – Waa goor aroor ah. Waxaan koob qaxwo ah oo qiimihiisu yahay labo kun oo shilin Soomaali ah ku cabayaa biibito ku taalla xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhiigley. Goobtaan waxaa leh haweeney, waxana kala shaqeynaya hooyadeed iyo gabar yar oo ay iyadu dhashay. Haweeneydaan waxay biibitadaan ka shaqaynaysaa ku dhowaad 20 sano, waxaana dhaawac ka soo gaaray madfac goobtaan ku soo dhacay 2007.

Waagu si fiican uma dillaacin. Rag masaajidda xaafadda ku soo tukaday ayaa biibitadaan isugu yimid. Dad kontomeeye ah ayaa goobta xeynxeyn u fadhiya. Maanta kaliyana ma aha ee subax kasta ayay sidaan u qaxweeyaan. Koox fuundiyaal ah oo sheeko u camiran tahay ayaa agteenna shaah ku cabaya. Malaha guri qabyo u ah ayay ku kallahayaan.

Anigu waxaan la fadhiyaa todobo oday oo aan siddeed ku ahay. Qaxwo iyo shaah ayaa noo shuban. Qaxwada waxaa xiiso iigu yeelaya sheekooyin maantooleysi ah oo ay isu warinayaan. Odayaasha aan la fadhiyo badankood baadiyo ayay noloshooda badankeed ku soo qaateen. Waa kala aqoon, xikmad, waaya-aragnimo iyo dhaqaalo badan yihiin, balse waxaa halkaan isugu keenay qaxwada iyo sheekooyinka uu midba markiisa qabsanayo, iyo in ay isku deegaan, ehel iyo macrifo yihiin.

Si furan ayay u sheekeysanayaan. Maalin kastaba mowduuc ayaa miiska u saaran. Mar noloshii baadiyaha iyo xoola-dhaqashada, marna abaar hadda ka jirto deegaannadii ay ku soo dhaqmeen, iyo filashada laga qabo roobab ayay ka sheekeysanayaan. Mar siyaasadda maanta ayay ka hadalayaan. Marna waayihii ay u soo joogeen ee dowladdii Soomaaliya, sidii fududeyd ee ay u burburtay, dhacdooyin ay goobjoog u soo ahaayeen iyo wixii laga dhaxlay burburkii dowladnimada ayay si dareen iyo laxajeclo leh u falanqeynayaan.

Waa la kala xamaalanayaa. Laamiga Wadnaha oo ii muuqdo waxaa shaqo nadiifin ah ka wado haween subax kasta ku soo kallaho. Meel aan iga fogeyn waxaa ka muuqdo kawaanle ay saf ugu jiraan haween badan oo adeeg hilib ka soo doontay. Waddada horteyda martana waxaa qulqulaya dad waxbarasho iyo shaqooyin u kallahaya. Dadka qaarkood way lugeynayaan, badankood baabuur caasi ah ama bajaaj ayay laamiga ka qabsanayaan, qaar mooto labalugaaley ah ayay ku socdaan, qaarna gawaari ay leeyihiin ayay wataan. Ninba taagtiis ayuu tillaabsanayaa.

Gabadhii meesha ka shaqeyneysay ayaa noo timid. Koobabkii ayay naga aruurineysaa.

Mid odayaasha ka mid ah ayaa jeebka ka soo bixiyay lacag shilin Soomaali ah. 16 kun oo ah qarashka qaxwadii iyo shaahii aan cabnay ayuu gabadhii u tiriyay. Niyadda ayaan iska leeyahay: Ar adduunyaa!

Biibitadaan oo laamiga Wadnaha ku taalla adinkoo 8 qof ah ayaad nus doollar($0.5) kaliya shaah uga wada cabteen. Laamiga ku xiga oo Maka Al-Mukarrama ahna wuxuu halkii koob oo shaah ah ka joogaa $1, meelaha qaarna waaba $2. Wallee Muqdisho war isuma hayso!

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media