Haweenay iyada oo la daldali rabo naxdin darteed wadnuhu la istaagey oo iyada oo mayd ah la daldalay!!

0
Zahra Ismaili waa ta bidix taagan

(Karaj) 24 Feb 2021 – Haweenay Iiraani ah ayaa wadne xanuun u dhimatay xilli la daldali lahaa, balse iyadoo mayd ah ayaa la daldaley si baa la yiri ay dhibanaha hooyadii u fushato xaq ay u leedahay inay iyadu laaddo kursiga ay ku taagan tahay.

Zahra Ismaili ayaa lagu helay dilka ninkeedii, oo ahaa sarkaal ka tirsan Sirdoonka Iiraan, kaasoo la sheegay inuu silcin jirey iyada iyo gabar ay u dhashay.

Qarreenkeeda Omid Moradi ayaa sheegay in hooyadan oo ahayd hooyo 2 carruur ah dhashay lagu khasbay inay sugto 16 kale oo lagu hor daldaley, taasoo saamayn ku yeelatay dareenkeeda.

Ismaili ayaa lagu daldaley xabsiga laga baqo ee Rajai Shahr Prison kaasoo ku yaalla magaalada Karaj oo 20 mayl gableed kaga beegan caasimadda Tehraan.

Iraan ayaa ah dalka 2-aad ee dunida ugu badan fulinta ciqaabta madaniga ah marka laga soo tago Shiinaha, balse in hal mar la daldalo 17 qofood ayaan caadi ahayn xitaa marka la qaato cabbirka Iiraan.

Hadalsame Media