”Waa in la wada bedelaa taliyeyaasha ciidamada!” – Puntland oo 8 qodob ku xujeysey DF (Qaar aan xitaa Puntland laga ogolayn oo ka mid ah)

0

(Garoowe) 23 Feb 2021 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saaray War Saxaafadeed dheer oo ka kooban ilaa 3 bog oo xambaarsan shuruudo cusub oo hor dhigeen inay ka qayb galaan shirka lagu xallinayo muranka doorashada. Waxaana shuruudaha cusub ka mid ah:

1 – In wada labedelo taliyeyaasha ciidamada dowladda Federaalka, sida millateriga, booliiska iyo nabad-sugidda oo uu haysto Qaran Fahad Yaasiin.

2 –  In MW Farmaajo uu saxiixo wareegto lagu dhimayo awoodda hay’aadka fulinta iyo sharci dejinta lana baabi’iyo wixii sharci cusub ah oo soo baxay kaddib 27-kii Diseembar, sidoo kale waa in la baabi’iyaa go’aan kasta oo ay XF soo saartay wixii ka dambeeyey 8-ddii Febraayo.

3 – In guddi madax bannaan oo xaqiiqo raadin ah loo saaro wixii dhacay 19-kii Febraayo.

4 – In beesha caalamku ay door damaanad qaadid ah ay ku yeelato shirarka soo socda maadaama kuwii hore la fulin waayey.

Qoddobada kale haddi lasoo koobo waxaa ugu muhiimsan in waqti loo qabto fulinta heshiiska, in ay kasoo qayb galaan bulshada rayidka iyo waxa loo yaqaan saamileeyda siyaasaddu, in la ogolaado xorriyadda hadalka iyo isu soo baxa bulshada iyo in wixii shir ah hadda kaddib lagu qabto meel nabad ah oo Muqdisho ka tirsan.

Marka laga soo tago inay qodobbadani yihiin caqabad cusub misna qaar ka mid ah qododobada Puntland fareeyso DF qaar badan oo ka tirsan loogama dhaqmo Puntland dhexdeeda, sida xorriyadda hadal iyo dibed baxyada madax bannaan iwm.

Hadalsame Media