Turkiga oo dhisanaya hannaanka lidka gantaalaha baalistigga oo ay dalal yari haystaan (Sidee u shaqeeyaa baalistiggu sideese la iskaga difaaci karaa?)

0

(Ankara) 23 Feb 2021 – Turkey ayaa karraarinaya dedaallo uu ku samaysanayo gantaallo uu ku samaysanayo hannaan dili kara gantaalaha baalistigga oo ah tiknolojiyad ay leeyihiin dalal aad u yar.

Sida ay sheegayso shirkadda Roketsan, gaar ahaan Agaasimaha Guud ee Faruk Yiğit, ayaa sheegay inay doonayaan inay helaan difaaca gantaalahan oo maxalli ah si ay Turkigu uga maarmaan ku tiirsanaanta dalalka kale ee agabkan soo saara.

Wuxuu Faruk sheegay in ay haatan haystaan gantaalaha Hisar iyo Siper ee daafaca cirka, balse ay haatan diyaarinayaan gantaalaha lidka gantaalaha baalistigga oo gaari kara waxa loo yaqaan lakacbka sare.

Gantaalaha baalistigga ayaa loo arkaa gantaalaha ka kooban madax gaar ah, meel wax laga hago, taangi shidaal, matoor, waafyo ama baalal iyo elektaroonig laga hago, kaasoo si ka duwan gantaalka kuruuska ama gantaalaha kale ee la hago oo dhan, ku socda waxa loo yaqaan tiiro-dalladeed, oo inta hawada galo ayuu misna soo hoobanayaa.

Cilmi baaraha arrimaha difaaca Anıl Şahin, oo sida ay u shaqeeyaan gantaalaha baalistigga u sharraxay TRT Haber ayaa tilmaamay in ay gantaalahani ka dhex baxaan gebi ahaanba jawigan dhow oo ay galaan hawada sare (space) kaddibna ay markale kusoo noqdaan iyaga oo hoobad ku jira balse ku ligan bartilmaameedkoodii iyagoo ku socda xawaare aad u sarreeya oo kaashanaya cufis-jiidadka dhulka, waana adag tahay in la iska difaaco maadaama ay waqtiga intiisa badan ku qaadanayaan hawada sare marka ay jawigan soo galaanna ay deg deg ku tegayaan bartilmaameedkooda.

Yeelkeede, lidka gantaalahan ayaa ka kooban agab isku xiran, sida raadaarka casriga ah ee digniinaha hore bixiya oo ay samayn doonto Aselsan oo awood u leh inuu kasii digo oo raadiyo gantaalkan isla marka lasoo gano si loo diyaariyo gantaalka laga hor geeynayo ee lagu difaacayo.

Hadalame Media