DHEGEYSO: Dhadhaab-cireed 2 bilood kahor Sweden kusoo dhacay oo hadda la helay

0

(Stockholm) 23 Feb 2021 – Dhagax dhadhaab-cireed ah oo cirka kasoo dhacay oo iftiinkiisa indha daraandarka leh laga arkay inta badan hawada Uppland ee Sweden 7dii Nofember ee sanadkii tegey ayaa haatan firirkiisa la helay.

Anders Zetterqvist iyo Andreas Forsberg oo ah culumo ku takhasustay cilmiga dhulka ee Geology ayaa haatan soo helay 14 kg oo ka mid ah dhadhaab-cireedkaasi oo baaris lagu samayn doono, sida uu sheegayo Anders Zetterqvist.

‘’Waxaan helay raad dhulka ku sawiran, kaddib si tartiib tariib ah waxaan helnay firirka dhadhaab-cireedkan.’’

Cir-bixiyeenka Erik Stempel oo wax ka dhiga Jaamacadda Uppsala Universitet ayaa helitaankan ku tilmaamay mid taariikhi ah maadaama aan 66 sanadood arrintani dhicin.

Dhadhaab-cireedkan ayaa la sheegayaa inuu kasoo jeedo bilowgii waxa loo yaqaan hannaan-qorraxeedka hawada sare isagoo kasoo faniinay jawiga ku hareereeysan meeraha cas ee Mars oo ka mid ah labada meere ee dhulka deris la ah marka lagu daro Venus.

Hadalsame Media