”Beesha caalamku waa daashey!” – James Swan oo qaadanaya doorkii laga rabey madaxda dalka ee doorkooda gabsan

0

(Muqdisho) 23 Jan 2021 – Somalia ayaa wajahaysa xaalad cakiran iyo siyaasad u eg middii hoggaamiye kooxeedyada oo uu midba gidaar qabsan jirey, iyadoo ay heerkaa wax soo gaarsiiyeen kursi jacayl ay muujisay Madaxtooyada iyo caqabado badan oo ay dhigayaan maamullada qaarkood.

Waxaa haatan Kismaayo tegaya James Swan oo ah ergayga QM ugu qaybsan Somalia, kaasoo u muuqda mid isagu bixinaya dedaalkii laga doonayey inay bixiyaan madaxda DF Somalia, gaar ahaan Madaxwaynihii dalka oo haatan u muuqda mid ka mid noqday dhinacyada is khilaafsan ee loo kala dab qaadayo.

”Waa daaleen nimanku (beesha caalamku), Soomaaliya hoggaan ma leh, beesha 6-aad waa yaaban tahay.” ayuu Hadalsame u sheegay nin ka mid ah howlwadeennada Soomaalida ah ee ku sugan xerada Xalane oo magaciisa qariyey.

Sida muuqata waxaa meesha ka maqan hoggaan, mas’uuliyad, is xilqaan, turaale, in dalka iyo dadka loo daneeyo, Alle ka cabsi iyo bisayl, marka intaas oo tayo ay maqan yihiinna waxaa dhacaysa inuu James Swan u muuqda ninka Somalia ay lax-jeclo ka hayso, halka kuwii dalka lahaa ay door bidayaan in la barbaryo oo ay kun jeer heshiiyaan durbana ka baxaan.

Somalia Ilaah baa u maqan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media