Talo ku socota dadka DF taageera ee adeegsada sawirrada Ciidanka Qalabka Sida

0

(Hadalsame) 22 Feb 2021 – LABA MEEL MA WADA GALAAN! – Dowlad madani ah, loo siman yahay, dhawrta sarreynta sharciga, xuquuqaadka aas aasiga ah ee muwaadinka ayaa rabaa iyo waxaan meelaha wad wadaa ciidamo tababbar ku jira, gaashaaman, loo carbiyey in ay amniga sugaan, qarankana cadawga ka cilayaan ayaan ku cabsi galinayaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiin dalka kula leh.

Qoraalkan waxa uu toos ugu socdaa kuwa isu yaqaan in ay taageeraan Maamulka hadda talada dalka gacanta ku haya.

Sidee loogu garnaqi garaa qof boor wata oo ka sheekeynaya dibax nabadeed iyo qof soo dhigaya ciidamadii qaranka???

Fadlan sharafta ha uga dhicin ciidamada, ka daa meelaha aad sawiradooda iyo muuqaaladooda wareejineysid.

Ugu dambeyn, waxa aad taageersan tahay afkaar aan ahayn Gorgor iyo Haramcad ku muuji.

Qolada kuwan cagsiga ku ah, iyagana waan ka soo dhiiban doona aragtiyada aan qalooca uga jeedo.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media