Madaxtooyada oo war cusub kasoo saartay shirkii baaqday ee Muqdisho (Farriin loo diray Puntland & Jubbaland)

0

(Muqdisho) 22 Feb 2021 – MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale maamullada Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay inay Muqdisho yimaadaan si ay uga soo qayb galaan shirkii horay loo iclaamiyey ee baaqday.

”Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Madaxtooyada ayaa ballan qaaday inay ka go’an tahay qabshada doorashada 2021 oo lagu xanto inay iyadu ka mid tahay kuwa xagal-daacinaya.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.” ayaa lagu soo afjaray.

Hadalsame Media