Inta ra’yi oo ka dhalatay hadalkii Deni & hal arrin oo ay adag tahay in dib loo arko

0

(Muqdisho) 22 Feb 2021 – MW Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay sheegay hadal dood ballaaran ka dhex abuuray bulshada oo ka dhan MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warka Saciid Deni oo ay dad badani ku tilmaameen mid ujeedkiisu ahaa in tashwiish la furo ayaa taabanayey arrimo qabiil, eed kali talisnimo, tuhun ku saabsan in xitaa raashinka la isu sumeeyo, siyaasiyiinta qaar oo uu ku tilmaamay saf-wanaajayaal, cabsi aad u fara badan oo uu qabo Deni iyo xitaa MW Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu ”la shaqeeyo al Shabaab.”

Dadwaynuhu aragti kala geddisan ayay ka dhiibteen hadalka Siciid Deni oo qaar baa ku tilmaamay mid uu ku kicinayo dadka Muqdisho si ay foowdo u dhacdo, qaar kale ayaa sheegay inuu doonayo inuu kaarka ka gubo MW Farmaajo oo haatan wajahaya xasarad hoggaamineed maadaama aanu dalku dhinacna u soconin.

Qaar 3-aad ayaa iyagu soo istaagey inuu warkani gebi ahaanba been yahay, halka qaar ay qabaan inay wax ka jiri karaan balse aanu ku haboonayn in bulshada loosoo bandhigo. Dhinac 5-aad ayaa ku doodaya in uu warkani run yahay oo MW ka suurtagasho inuu sidaa u hadlo ama u dhaqo, iyagoo soo qaadanaya qoraallo ay baraha bulshada ku faafiyeen rag isaga ku dhow oo soo qoray hadal loo fahmi karo kicin bulsho.

HAL ARRIN OO WARKAN KA RATIBMI KARTA – Wax kasta oo uu warkani yahayba ma aha mid ku habboon xilligan oo loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun, kala shaki iyo is aaminaan la’aan, balse wuxuu warkani keeni karaa in aan dib loo arag Deni oo mar dambe Villa Somalia kula kulma MW Farmaajo, marka laga reebo madal kale sida Xalane iwm.

Hadalsame Media

Facebook Comments