Farmaajo miyuu ka “tanaasuley” darajada Madaxwaynaha Somalia?! (Arag qoraalkan)

0

(Muqdisho) 22 Feb 2021 – MW xilku ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda mid ka tanaasuley sheegashada MW Somalia.

Waxaa muuqda farqi u dhexeeya erayaynta laba qoraal oo Madaxtooyada kasoo kala baxay 17-kii Febraayo iyo maanta.

Qoraalkii hore waxaa lagu adeegsadey darajada “Madaxwayne”, balse War Saxaafadeedkii maanta marna laguma isticmaalin eraygaas, waxaana biddaalkiisa la adeegsanayey Madaxtooyada iyo DF Somalia.

Hadalsame Media ayaa horay u adeegsan jirey Madaxtooyada, anagoo cinwaan u bixinta shirarka socda u isticmaalnay Madaxtooyada iyo Maamullada.

Hadalsame Media