Dal Muslim ah oo yeeshay dhinac uu uga XOOG badan yahay dalalka UK, Germany, France, Israel iyo qaar kale

0

(Hadalsame) 22 Feb 2021 – Global Fire Power ayaa Sucuudiga geliyey liiska dalka 5-aad ee dunida ugu xooggan dhanka haysiga gaadiidka gaashaaman, taasoo ka yaabisay dalal badan oo caalami ah iyo kuwo gobolka ku yaalla, sida lagu qoray Al-Khaleej Online.

Al-Khaleej Online, ayaa qoraya in Global Fire Power in Saudi Arabia ay haatan haystaan 12,500 oo ah gaadiidka gaashaaman, taasoo ay xitaa kaga badan yihiin dalalka UK, Germany, France, Iran, Turkey iyo Israel.

Global Fire Power ayaa sidoo kale sheegay in dalka 1-aad ee dunida ugu haysta dhanka gaadiidka gaashaaman uu yahay Maraykanka oo haysta 40,000, waxaana soo raaca Shiinaha oo leh 35,000, Ruushanka oo ku qalabaysan 27,000 kaddibna waxaa 4-aad ku jirta South Korea oo haysata 14,100.

Turkey ayaa 6-aad galay isagoo haysta 11,630, Masar 8-aad ku gashay 11,000, halka Iiraan ay 15-aad ku jirto iyadoo leh 8,500, waxay Israel gashay 17-aad iyadoo leh 7,500 oo gaadiidka gaashaaman ah.

Sucuudiga ayaa loo arkaa mid ka mid ah dalalka ugu xooggan Khaliijka iyo mid ka mid ah cududda gobolka Bariga Dhexe iyo guud ahaan Carabta, balse abidkood ma gelin dagaal wax u gelaya Muslimka.

Hadalsame Media