SAWIRRO: Dal Muslim ah oo 50% ka iibsadey sharikad helakabtarrada samaysa oo Ruush ah (Raxan u dalban)

0

(Moscow) 22 Feb 2021 – Ruushka iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis ay sharikadda Tawazun ee Imaaraadku ay 50% uga iibsanayaan saamiga sharikadda helakabtarrada sameeysa ee VR-Technologies, sida uu qorayo RT .

VR-Technologies waa sharikad kabta dayuuradaha Ruushka oo la sameeyey 2014-kii, si ay usoo saarto dayuuradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa is wada ee daroonnada.

Sida uu qabo RT, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Ruushka, Denis Manturov, ayaa warfaafinta u sheegay in heshiisku uu ku kacayo €400 milyan oo euro ($442 milyan oo doollar).

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Maareeyaha Iskaashatada Dayuuradaha Helakabtarrada Ruushka, Andrey Boginsky, iyo Maareeyaha Tawazun, Tareq Abdul Raheem Al Hosani, ayaa Imaaraadka siin doonta inay Maamulka VR-Technologies ku yeeshaan 50%.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Imaaraadku uu iibsan doono ilaa 100 dayuuradood oo kala ah VRT 300 oo ah daroonno qumaati ku kaca iyo VRT 500 oo ay sameeyso shirkaddan ay kala barka iibsadeen, si ay u adeegsadaan Ciidanka Booliiska ee dalkaasi.

VRT 300

Hadalsame Media

Facebook Comments