Maraykanka oo bahdilkii 2-aad la damacsan dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan (Waa maxay?)

0

(Washington, DC) 21 Feb 2021 – Maamulka cusub ee MW Joe Biden ayaa wacad ku maray inay sii dayn doonaan warbixinno sirdoon oo caddaynaya in Amiirka Mohammed bin Salman uu amray khaarajintii weriye Jamaal Khashuuqji 2018-kii.

Sida ku qoran Washington Post warbixintan oo haatan yaalla xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka (DNI) ayaa dadwaynaha loosoo bandhigi doonaa wixii ka bilowda todobaadka soo aaddan.

‘Weli se nama soo gaarin waqtiga mucayinka ah,’ ayay tiri Jen Psaki oo warfaafinta ugu qaybsan Aqalka Cad.

Khashuuqji oo maqaallo mucaarad ah ka qori jirey Boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu dhex qalay Gunsuliyadda Guud ee uu Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul oo uu u doontay waraaqo loogu baahnaa guurkiisa.

Waa jugtii 2-aad ee uu Maraykanku haatan ku dhufto MBS iyadoo uu maamulka cusubi horay u caddeeyey in aanu waxba ku darsan doonin dhaxal-sugaha balse ay toos ula hadli doonaan aabbihii Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Hadalsame Media