Kenya oo wada cayrisey dhamaanba qarreennadii ku metelayey dacwadda badda vs Somalia (Wax ka baro kuwa cusub)

0

(Nairobi) 21 Feb 2021 – Qarreen hore oo ka tirsanaa maxkamad caalami ah isla markaana ah khaddiib sharciga ka dhiga UK ayaa ka mid ah 8 qarreen oo cusub oo ay Kenya u ijaaratey muranka ay iskeed u abuurtay ee ay ku doonayso dhul-badeedka Somalia.

Prof Sean Murphy oo ka tirsan Kulliyadda Sharciga ee George Washington School of Law ayaa hogaamin doona iyadoo ay wehlinayaan Justice Tullion Treves, oo garsoore ka ahaan jirey Maxkamadda Caalamiga ah ee Xeerka Badda, kaasoo horay uga qayb qaatay dacwad la geeyey ICJ oo ay isku hayeen Peru vs Chile.

Prof Phoebe Okowa, oo ku xeel dheer Xeerka Caalamiga ah kana tirsan Queen Mary University oo London ku taalla ayaa ah qofka qura ee Kenyan ah oo qarreennadan ku jira. Waxay ka qayb qaadatay dacwaddii ay Gambia ka gudbisey Myanmar. Waxay ka qalin jebisey University of Nairobi oo ay kaalinta 1-aad ka gashay.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo ah Senegalese dhiga Xeerka Caalamiga ah, kana tirsan University of Geneva. Wuxuu horay uga soo muuqday ICJ gaar ahaan kiis ku saabsanaa waxa ka dhalanaya go’itaanka Chagos Archipelago oo doonaya inay ka go’aan Mauritius 1965-kii. Waa isu duwaha qarreennada.

From the same university (Geneva) is Prof Laurence Boisson De Chazournes who is also an international law expert. She holds two nationalities – Swiss and French.

Waxaa ka mid ah qarreen Jarmanka u dhashay oo la yiraahdo Christian Tams, oo prof ka ah Gasglow University. Eran Sthoeger oo Israeli ah kana qayb ahaa qarreennadii difaacayey Peru.

Kenya ayaa bedeshey qarreennadii horay u metelayey oo kala ahaa Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe QC (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) iyo Amy Sanders (British).

Kenya ayaa ku doodaysa inay Somalia 1979-kii aqoonsatay dhul-badeed gaaraya 255,000km oo ka tirsan EEZ ay Kenya leedahay, balse ma hayso wax caddayn ah, iyadoo ay Somalia dacwadda ka gudbisey 2014-kii.

Hadalsame Media