Fanaanaddii Faaduma Cali Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootey

0

(Muqdisho) 21 Feb 2021 – Allaha u naxariistee fanaanaddii Faaduma Cali Nakruuma ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyootey magaalada Muqdisho.

Fanaanadda oo sanadihii dambe Muqdisho ku noolayd ayaa la sheegayaa inay beryahan u xanuunsanaysey cudurka laayaanka ah ee Covid-19, kaasoo loo dhigay Isbitaalka Martini ee Muqdisho.

Fanaanadda ayaa ka mid ahayd Hobolladii Waaberi ee dalka Somalia iyadoo burburkii intiisii badnayd ku noolayd qurbaha gaar ahaan Canada.

Ehelkeeda, asxaabteeda iyo umadda Soomaaliyeedba samir iyo imaan Allaha ka siiyo.

Innaa lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun.

Hadalsame Media