”Durayga Covid-19 looma adeegsan karo marmarsiinyo lagu diido xorriyadaha asaasiga ah!” – Maraykanka oo soo saaray farriin dhega hadal ku ah DF

0

(Muqdisho) 21 Feb 2021 – Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa soo saartay war u muuqda duurxul ka dhan ah DF Somalia, gaar ahaan Madaxtooyada oo diiddey in dalka lagu qabto dibedbaxyo iyada ka dhan.

Madaxtooyada ayaa ku doodday in uu dalka ka jirto durayga dilaaga ah ee Covid-19, tiiyoo ay jirto inay iyagu magaalada ku qabteen dibedbaxyo fara badan oo uu ugu dambeeyey mid dhacay dhamaadkii bishii tagtay.

Yeelkeede, WAD Maraykanka ayaa haatan soo saartay qoraal kooban oo ay uga digayso in ”Covid-19 loo adeegsado shareer lagu hor gooyo xorriyadda hadalka iyo xuquuqda dadka ee asaasiga ah”.

”Dalna laga yeeli maayo inuu Covid-19 u adeegsado marmarsiinyo uu kula tunto xuquuqda insaanka iyo xorriyadaha asaasiga ah.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay WAD Maraykanka oo aan dalna gaar u sheegin.

Hadalsame Media

Facebook Comments