Hargab nooc cusub ah oo aan horay abid insaanka ugu dhicin oo laga helay Ruushka

0

(Moscow) 20 Feb 2021 – Hargabka shimbiraha nooca H5N8 ayaa markii ugu horreeysey taariikhda waxaa laga helay dadka, gaar ahaan wuxuu ku dhacay 7 qofood oo Ruush ah oo ka shaqaynayey beer digaag oo dalkaa ku taalla.

Horay looma haynin ama looma arag wax caddaynaya inuu cudurkani xitaa insaanka u gudbi karo, balse Ruushka ayaa markii ugu horreeysey taariikhda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u gudbiyey kiisas noocaas ah.

Halka war ee sami waa in aanay xaaladdu “faraha ka bixin”, sida ay sheegtay Dr Anna Popova, oo ah Madaxa Caafimaadka Quudka Dadwaynaha ee Rospotrebnadzor, iyadoo horay loo hayey kiisas uu cudurkani ku faafay oo ka dhacay Ruushka, Yurub, Shiinaha, Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, balse wuxuu kaliya ahaa mid u dhexeeyey digaagga oo dadka uma gudbaynin.

Noocyada kale ee ay u kala baxaan hargabyada shimbiruhu waa H5N1, H7N9 iyo H9N2, kuwaasoo horay loo hayey inay u kala gudbaan dadka iyo shimbiraha.

Dunida ayaa haatan la tacaalaysa cudurka Covid-19 oo aan weli si buuxda la iskugu raacin bahalka laga qaaday, balse la sheegayo bahallo fara badan oo duur joog ah.

Hadalsame Media