BANDHIG CEEBEED: Hal eed oo ay wadaagayaan Madaxtooyada & Musharrixiinta, mid ay leeyihiin mujtamacu iyo mid uu kaligii leeyahay MW Farmaajo

0

(Hadalsame) 20 Feb 2021 – Waxaa Muqdisho ka dhacay shaqaaqooyin fariisiyey howlihii magaalada oo haatan caadi kusoo noqday kaddib markii ay DF diidey dibedbax ay ku dhawaaqeen musharrixiintu.

Amaanku haatan waa caadi waloow ay maanta magaalada ka baaqsadeen duullimaadyadii caalamiga ahaa, waxaan markaa qof kasta u jeedinayaa inuu ilaaliyo danta wadareed ee umadda oo uu amaanku ugu horreeyo.

Aan ku daro dardaaran hordhac ah: Qiyaamo ma dhicin, wax kala tegey ma jiraan, qabiillo dhuroobey iyo kuwo la dhibay ma jiraan, waa uun siyaasi kursi doon ah oo aan kas lahayn waxa is haya, marka yuusan danahaaga kaa lumine is deji.

Eeedda 1-aad waxaa iska leh DF oo qaabka ay arrinta u wajaheen ay xaaladda sii karisay iyadoo ay dadku ku qanci waayeen marmarsiinyaha ay u cuskatay joojinta dibedbaxa sida Covid-19 iyo amaan, maadaama ay isla iyadu dhowr dibedbax oo ay agaasintay ku qabatay magaalada, kii ugu dambeeyey wuxuu ahaa dhamaadkii bishii hore ee Jannaayo.

Waxaa sidoo kale Ciidanka DF lagu eedeeyey inay weerareen hoteel ay ku jireen MW hore iyo inay xabbadeeyeen dad dibedbaxayey oo ay hoggaaminayeen RW hore iyo Wasiir hore, waana 2 tillaabo oo khalad wayn ah xaaladdana sii kiciyey. Waxaa xitaa jira warar aan ku helay in saraakiisha ciidanku aysan ku wada niyad samayn sida ay wax u dheceen, waana wax aan loo baahnayn sida wax loo maareeyey oo aan horayna uga digey, si kastaba.

Mucaaradku iyaguna eedda 1-aad ayay wax ka leeyihiin marka la eego xilliga ay kusoo beegeen dibedbaxa oo ah jeer magaalada lagu saxiixi lahaa heshiis laga gaaro doorashada oo ah sababta ugu wayn ee dibedbaxa, tan kale, ma cadda sida ay uga fikireen amaanka iyagoo naftooda halis geliyey marar badanna baylah u ahaa weerar uga yimaada kooxda Shabaabka.

Waxaa kale oo la is waydiinayaa waxa Indhacadde wax ugu daray musharrixiinta oo warkii uu ka yiri Daljirka Dahsooni uu ahaa mid doodooda aad u micne diley. Waxaan sidoo kale weli la fahamsanayn cidda wax ku dhufatay Garoonka Diyaaradaha waayo taasi waa qayrul mas’uulnimo wayn haddii ay tahay ciidanka DF ee rasaasta micna darraha u sayrayey iyo haddii ay tahay qolyaha mucaaradka ah oo si aan nidaamsanayn oo qar iska xoornimo ah u socdey.

Kooxda 2-aad ee bandhiga yaqyaqsiga leh shalay soo bandhigtay waa shacabka oo u kala baxay inay qaab qabiil wax u kala taageeraan, qaar baa farxad, maad iyo rayn rayn ka muujinayey inay wax wanaagsan tahay in dad shacab ah la rasaaseeyo, halka qaar kale ay kuwaas ka hor jeedeen.

EED 3-AAD – Marka ay halkaa taagan tahay, waxaa eed 3-aad yeelanaysa Madaxtooyada Dalka gaar ahaan MW Farmaajo oo maalintii la dooranayey dadka Soomaaliyeed ku midoobeen taageeradiisa, balse maanta ay aad ugu kala qaybsan yihiin, sidaa darteed, markasta oo ay shacbigu qaybsamaan waxaa eedda 1-aad iska leh Dowladda markaas jirta, waxaana wanaagsan inuu Madaxwaynuhu woxooga dib u eegis ah inta isku sameeyo uu garaysto in sida ay haatan wax ku socdaani aysan u qalmin qof ku yimid sidii uu ku yimid, xitaa haddii ay dad ugu sheekaynayaan in laga gardaran yahay oo uusan marna tanaasulin, taasoo ah mid xaaladda uu sii cakiraysa balse aan ceelaajin doonin.

Hoggaan karti lihi ma aha midkii waaqica iska indha tira, midkii farqiga jira garan waaya, midkii is maqiiqa ama is adkeeya ilaa dhamaadka jeer la waayo wax la isku qabsado ama lagu qalboobtamaba, ee waa midkii marka uu arko inay qar kasii dhacayso xalka isagu keena, waana sida qura ee uu maanta dhaxalkiisa siyaasadeed iyo dalkaba ku badbaadin karo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media