Waxa Muqdisho ka dhacay lagama ogolaan karo mid xil haya iyo mid xukun doonaya toona

0
Gaari gaashaaman oo BMC ah oo taagan Daljirka Dahsoon

(Hadalsame) 19 Feb 2021 – Mowqifkeyga ku aadan waxii maanta ka dhacay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, markii uu xukunka hayey mudo sanad iyo xoogaa bilo ah ayaa markii aan arkay talo xumada uu ku socday iyo sida aan habooneyn ee uu dalka u maamulayey, baan kasoo horjeestay qoraal baanan ka qoray waqtigaas.

Waxay taasi dhalisay in shaqadeydii aan ku waayo anigoo xiligaa u shaqeynayey Idaacada VOA, ka dib markii maamulka aan arintaa isku qabanay, waxaanan ka diiday inaan ka noqdo mowqifkeyga waanan ku adkaystay.

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo, oo shaqsiyan saaxiibkey ah isaguna dhawr jeer oo hore gaar ahaan sannadihii ugu horeeyey xukunkiisa iyo marar dhaxe ayaan qoraalo ka qoray aan ku sheegayo in wado aan habooneyn uu ku socdo dalkuna uu ku maamulayo siyaasad aan wanaagsaneyn gaar ahaana kuwa la taliya ayaan ku dhaliilay.

Haddaba ka muwaadin Soomaaliyeed ahaan hadii aan cadeeyo mowqifkeyga ku aadan waxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaan u arkaa arin fool xun in ay tahay rag siyaasiyiin iyo shacab Soomaaliyeed oo si nabad ah u banaanbaxaya in xabad loogu jawaabo.

Damiirkeygu ma ogolaanayo dhaqanka nuucaas ah, waanan ka diidayaa mid hada xukunka haaya iyo mid imaan doonaba labadaba Insha allah.

Waxaan aaminsanahay in xabadu ay xal aheyn ee caqligu uu shaqeeyo dadka iyo dalkana loo turo.

Dadka colaad hurinaya iyaguna waxaan leeyahay ha ogaadaan in Rasuulkeena suuban NNKH uu yiri: fidnadu waa hurudaa, Ilaaheyna waa lacnaday qofkii toosiya (الفتنة نائمة لعن الله من أيقظها).

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur Max’ed (Colombo)

Hadalsame Media