Sida uu ku yimaado ISBEDELKA aad doonayso & doorka aad ka qaadan karto

0

(Hadalsame) 19 Feb 2021 – Isbeddelka waa ka taggista ama ka guurrida meel ama xaalad aad hore ugu sugnayd, adiga oo raba in aad gasho ama ku beddelato mid ka sarreysa ama ka fiican.

Isbeddelka Miyaynu Ubaahanahay?

Haa, bini aadamka dabeecad ahaan waxa uu u abuuran yahay ama jecel yahay in marwalba isbeddel sameeyo ama waxyaabaha hareerihiisa ka socda uu isbeddel ku arko.

Tusaale ahaan, qofna ma jecla inta badan in uu hal shay ama hal nooc oo dhar ah xidho. Sidoo kale, haddii uu shaqo ka shaqeeyo uu qaato $100,waxa uu jecel yahay in uu horumar ka sameeyo mushaharka iyo shaqadaba oo uu halkaa meel ka sarreysa gaadho.

Isbeddelka Maxaa Caqabad Hortaagan?

Caqabadaha isbeddelka udiida qofka inta badan waa saddex, saddexdaas caqabadood qofku marka uu ka takhaluso ay’uu samayn karaa isbeddel.

1: Caajiska

Caqabadaha koowaad ee dadka u diida isbeddelka waa caajiska, caajisku waxa uu qofka ka dhigaa in uu ka wahsado wax kasta oo isbeddel ah, waxbana aanu samayn caajis iyo hamaansi dartii.

Caajisku waxa uu qofka ka dhigaa in uu wax walba oo u yaal dib u dhigto, karahsado wax kasta oo hawl oo u taal oo uu qaban lahaa.

2: Cudurdaarka

Caqabada labaad ee inta badan dadka u diida isbeddelka waa cudurdaarka. Qofka marka uu noqdo mid caajis badan, waxa ay keenaysaa in uu ka cudurdaarto hawl kasta iyo wax kasta oo uu qaban lahaa si uu isbeddel u sameeyo. Markaa qofku wax walba oo isbeddel sababi lahaa w’uu ka cagajiidayaa, isaga oo marmarsiiyo iyo ballanfur badanaya. Cudurdaarka faraha badanina waxa uu keena in wax walba waqtigoodii dhaafaan oo uun dib loo dhigo markasta.

3: Cabsida

Caqabadda saddexaad ee inta badan dadka u diida isbeddelka waa cabsida.

Marka qofku uu noqdo mid caajis badan, haddana cudurdaar waqti badan kusoo lumiyay, labadaas sare aakhirka waxa ay ku keenaan in uu ka cabsado waxyaabaha uu hore uga caajisay qabashadooda ama samayntooda, isaga oo gudasha la’aantaas ay ku keento cabsi.

Cabsidaas oo ah armaad ku fashilantaa, armaa lagugu qoslaa, armaa garran weydaa, armaa guuldarro weyn la kulantaa. Qofka waxa ku abuurmaysa cabsi uu ka qaadayo hawlihii uu waqtigooda ku qaban waayay, haka caajiso ama haka cudurdaartee.

Ugu dambayn, qofku si uu isbeddel u sameeyo waxa uu u baahan yahay in uu ka takhaluso saddexdaas caqabadood ee ka hor istaagaya isbeddelka uu doonayo. Si uu qofku isbeddel u sameeyana waa in uu la yimaadaa saddexdaa cagsigooda.

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo

Hadalsame Media