Kulan hadda Muqdisho uga socda RW Rooble iyo oday dhaqameedyo uu hoggaaminayo Imaam Maxamed

0

(Muqdisho) 19 Feb 2021 – Xogo cusub oo aannu haatan Muqdisho ka heleeyno ayaa sheegaya inuu haatan socdo kulan u dhexeeya RW Maxamed Xuseen Rooble iyo oday dhaqameedyo uu hoggaaminayo Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya marxaladda cakiran ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho oo ilaa xalay ay ka jireen shaqaaqooyin ku saabsan dibedbax ay halkaa ka iclaamiyeen kooxaha mucaaradka oo ay hor istaageen Ciidamada Amaanku.

Waxaa laga wada hadlayaa tillaabada xigta ee la qaadi karo si loo dejiyo xiisadda kacsan oo sii darsatay kaddib markii la xabadeeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen RW hore Xasan Cali Khayrre, Wasiir hore iyo Guddoonka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaaminayey dad dibedbaxaya.

Waxaa horay u guuldarraystay isku dayo kale maadaama aanu jirin dhinac ka tanaasuley tillaabadii uu maaganaa, taasoo oo dhibaatada taagan aan xal u noqon karin.

Hadalsame Media