HUBRIS SYNDROME: Jirro dhanka dhimirka ah oo ku dhacda dadka madaxda ah oo musiibo horseedda (Arag astaameheeda)

0

(Hadalsame) 19 Feb 2021 – Burjaawiyad, soo jiidasho, awood dhiirigelineed, qancin, aragti fog, bareer, halis qaadasho, qab iyo kalsooni, waa tayooyin iyo astaamo lala xiriiriyo hoggaan guulaysta, balse waxaa marar badan dhacda in tayooyinkaa laftoodu ay qofka qar ka xooraan.

Sabab? Waayo waxay mararka qaar dhaliyaan qofka oo qaata go’aamo kacsan oo aan laga fiirsan, talo diidnimo, qar iska xoornimo, macangagnimo, tafaasiisha oo aan loo fiirsan, dhug la’aan, talo xumo, anaaniyad ama anigaa iri iyo qofka oo aan u fiirsanin natiijada ka ratibmi karta falalkiisa. Taa waxaa ka dhalan kara hoggaan musiibo iyo burbur horseeda.

Bugtadaas waxaa la yiraahdaa Hubris Syndrome, sida ku cad daraasad lagu sameeyey madaxdii soo xukuntay Maraykanka iyo Britain 100-kii sanadood ee tegey, sida ku xusan buug uu qoray David Owen oo la yiraahdo ”Bush, Blair iyo ku shakhraamidda awoodda.”

Waa astaan la socota awoodda iyo xilalka gaar ahaan marka aanu qofku la kulmin wax xisaabtan ah, isla markaana qayoota marka qofka xilkii uu hayey laga qaado, balse ma aha astaan joogto ah oo ka mid ah shakhsiyadda la yaqaan ee qofka qaan-gaarka ah horay loogu arki jirey.

ASTAAMAHA HUBRIS SYNDROME – Hubris Syndrome waxaa lagu gartaa astaamahan soo socda oo ay ka mid yihiin: (i) qofka oo dunida oo dhanba u arka masrax isaga lagu muuneeyo; (ii) qofka oo tillaabo u qaada si uu magaciisa sare ugu qaado oo qura; (iii) walaac aan xad lahayn oo ku saabsan magaciisa iyo is bandhiggiisa; (iv) qofka oo isagu isu arka inuu xisbigii iyo qarankiiba isagu yahay; (v) (vi) adeegsiga magac u yaalka ”annaga”; (vii) muujinta kalsooni xad dhaaf ah;

(viii) Dadka kale oo la quursado; (ix) xisaabtanka oo dhiba; (x) qofka oo xaqiiqada ka dhex baxa oo khiyaali badan muujiya; (xii) muujinta ficillo deganaan la’aan iyo qar iska tuurnimo ku dhisan; (xiii) wuxuu muujiyaa inuu yahay qof qiyamka iyo anshaxa qiimeeya si uu dadka ugu kasbado; iyo ugu dambayn (xiv) qofka oo muujiya karti xumo iyo go’aanno deg deg ah oo waalli lagu sooci karo marka lala xaalayo xaaladaha soo kordha.

Haddaba, marka aad eegto siyaasadda Somalia ee xilligan ma arki kartaa astaamahan?

Halkan ka akhri daraasadda oo dhan….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media