Hal arrin oo nuxurka ka dishey dibedbaxa ay ku baaqeen Musharrixiintu & mid ka hoos baxday DF

0

(Hadalsame) 19 Feb 2021 – Waxa xalay Muqdiso ka dhacay arrin fiican ma ahayn, lama kala roonaan. Laakiin taariikh yar ayaan idinla wadaagaa.

Markii aan dhageystay hadalkii Jeneraal Indha Cadde waxaan xusuustay hadal uu 2008-dii yiri Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ahaa ‘in Indha Cadde uu caan ku yahay burburinta koox kasta oo uu ku biiro.’

• Bishii Sebtember 2006 wuxuu ku biiray maxkamadaha oo uu xil sare ka qabtay. Saddex bill kaddib wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Itoobiya, isagoo wacad ku maray ‘in Addis Ababa lagu soo tukan doono.’ Mackamadihii waa laga adkaaday, Itoobiyana Muqdisho ayay timid.

• Wuxuu la saaxiibay Barre Hiiraale oo xilligaas ahaa hoggaamiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba, markii dambena waxay is qilaafeen.

• Wuxuu ku biiray Isbaheysigii Xisbul Islaam ee uu sanadkii 2008, muddo gaaban kaddibna wuxuu ku lug yeeshay qilaaf ka dhex taagnaa Xisbiga. Wuxuu ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday Cumar Iimaan oo guddoomiye u ahaa. Xasan Daahir oo arrintaas ka carooday ayaa ku eedeeyay ‘inuu Indha Cadde caan ku yahay burburinta koox kasta oo uu ku biiro.’

• Wuu ka soo goostay Xisbiga, wuxuu noqday wasiirka ka tirsan dowladdii KMG ahayd, markii dambena waa is casilay, isagoo u sababeynaya in dowladda ay uga baxday ballamo ay la gashay.

• Xukuumaddii Shariif oo uu ka tirsanaa ayaa xabsi-guri galisay, kaddib iscasilaaddiisii, markii ciidamo iyo hub uu damcay inuu la aado gobollada dhexe oo ay Ahlu Sunna joogeen laga war helay.

• Dhawaan ayuu ku dhawaaqay inuu mas’uul ka yahay amniga Musharraxiinta madaxweyne.

• Xalay wuxuu Daljirka Daahsoon geeyay ciidamo uu watay oo uu sheegay inay sugayaan ammaanka dibadbaxyada maanta la qorsheeyay maadaama ‘Dalka aanay dowlad ka jirin.’

Musharraxiinta iyo madaxdii hore waxay leeyihiin waa nala soo weeraray, dowladduna eedeyn taas la mid ah ayay jeedineysaa, waxaase muuqata in marka si dhexdhexaadnimo ah loo fiiriyo ay labada dhinacba mas’uuliyad darro ka jirto. Indha Cadde wuu ka baaqsan karay ereyada qaar oo colaad hurin u muuqday, dowladduna ma ahayn inay awood iyo ammarro xilli dambe yimid oo u muuqday in dibadbaxyada lagu joojininayo ay soo saarto.

Waxaan qiyaasayaa in madaxdii hore aanay dooneyn in magaalada lagu dagaallamo, balse rag iska celin iyo qab weyni ay ku kirto, halka dowladdii dalka mas’uulka ka ahayd ay xifaltan ku jirto.

Colaad faa’iidadeeda aragnaye ummadda haloo turo.

Waxaa Qoray: Tahliil Colaad Xasan

FG: Aragti kasta waxay ka tarjumaysaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media