Turkiga oo ka fikiraya inuu Somalia ka dhisto meel laga tuuro dayax-gacmeedyada (Sabab Jayolojiyeed oo Somalia muhim ka dhigaysa)

0

(Ankara) 18 Feb 2021 – Turkey ayaa dhowaan ku dhawaaqay mashruuc ballaaran oo uu dayax-gacmeed ugu dirayo hawada sare 2028, kaasoo ku kacaya $1bilyan oo doollar ayaa waxaa Somalia looga samaynayaa xarun laga tuuro, sida ay ilo hoose kasoo ogaatey Middle East Eye.

MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkii hore kashifay jadwal ka kooban laba marxaladood oo uu Turkigu sidoo kale ku doonayo inuu ku dego bisha, isagoo adeegsanayo gantaal ku shaqaynaya tamar laba-barax ah oo uu isagu dhisay kaasoo bilaabmaya 2023. Marxaladda 2-aad waa 2028.

Xogta la helayo ayaa sheegaysa in Turkigu uu qorshaynayo inuu bar laga tuuro gantaalaha qaadaya dayax-gacmeedyada la doonayo in laga dhiso Somalia, oo ah dal jaal amaan la ahaa Turkiga tan iyo 2011-kii, isla markaana uu ku yaallo saldhigga ugu wayn ee uu Turkigu ku tababaro ciidamada.

Serdar Huseyin Yildirim, MW Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa diidey inuu ka hadlo inay Somalia saldhiggaa ka dhisanayaan mar ay waydiisey BBC Turkish 12 Febraayo, isagoo ilaalinaya xasaasiyadda arrintan.

Yeelkeede, Turkiga ayaa la sheegay in uu sidoo kale ka fikirey dalka Libya, balse Somalia ayaa haysata faa’iido dhanka Sayniska iyo Jayolojiga ah maadaama ay ku taallo dhul-baraha oo ay ku wanaagsan tahay in laga tuuro dayax-gacmeedyada, sidoo kalena ay xiriir wanaagsan la leedahay Turkiga oo ay dhismahaa uga bixi karto $350m oo doollar.

Somalia ma aha dal ay ku cusub tahay inay door bidaan dalalka doonaya mashaariic dhanka hawada sare ah: France ayaa 1960-kii mar ka fikirey in uu saldhig dayax-gacmeedyada laga tuuro ka samaysto, waxaa sidoo kale taa ka baaraandegey Maraykanka iyo Soofiyeetkii hore.

Hadalsame Media