Somalia oo uu soo galay nooca cusub ee Covid-19 (DF oo laga doonayo inay dadwaynaha tallaasho 80%)

0

(Muqdisho) 16 Feb 2021 – Hay’aadka caafimaad ee Somalia ayaa sheegaya in dalka uu ka dhacay hirkii 2-aad ee cudurka coronavirus, iyagoo eedda dusha ka saaray safarrada badan ee dibedda ka imanaya iyo isu imaanshiyaha dadwaynaha sare u kaca kiisaska cusub.

Wasiiradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar ayaa sheegtay in ay kiisasku sare u keceen 52% bishan Febraayo marka loo eego tii ka horreeysey ee Jannaayo iyadoo dadwaynaha kula talisay inay gafuur saab xirtaan kulamadana ka fogaadaan.

Dr. Abdirizak Yusuf Ahmed, Maareeyaha Martini Hospital, oo ah isbitaalka ugu wayn ee la tacaala bukaannada qaba coronavirus, ayaa VOA Somali u sheegay in kiisaska iyo geeriduba ay kordheen labadii todobaad ee ugu dambeeyey.

Qiyaastii 120 qofood ayaa Somalia ku dhintay 2020, balse sanadkan curdanka ah ee 2021 waxaa durba dhimatay 30 qofood, taasoo ka dhigan 25% ka mid ah dadkii dhintay sanadkii uu cudurku bilowday.

Guud ahaan kiisaska cudurka coronavirus ee Somalia ayaa aad u yar iyadoo la diiwaan geliyey 5,183 oo kiis, halka ay guud ahaan dhinteen 152 qofood. Waxaa se haatan la sheegayaa inay soo gaareen kiisaska cusub ee ka dhashay fayruska dhalan-rogan ee ka yimid UK iyo Koonfur Afrika.

Somalia ayaa filaysa shixnaddii ugu horreeysey ee tallaalka AstraZeneca ee cudurka COVID-19 dabayaaqada bishan, kaasoo ay WHO sheegtay inuu dhan yahay 1.2 milyan oo kuuro soi loo tallaalo 600,000 oo qof oo caafimaadka ka shaqeeya, iyadoo Maarso la sugayo kuurooyin kale oo deeq ah si loo daboolo tallaalka 80% ka mid dadwaynaha Somalia.

Yeelkeede, 80% soo haray wuxuu xil ka saaran yahay DF Somalia oo la doonayo inay tallaal usoo iibiso mase muuqato inay xitaa jirto mas’uuliyad iyo rabitaan siyaasi ah oo dhinacaa ku fooggan.

Hadalsame Media