Somalia oo 30 sano kaddib dayuurado diiwaan gelisey (Caqabad kahor timid)

0

(Muqdisho) 15 Feb 2021 – Somalia ayaa markii ugu horreeysey muddo 30 sanadood ka badan diiwaan gelisey laba dayuuradood, taasoo ah tillaabo loo qaaday dhanka diiwaan gelinta iyo xeer u samaynta dayuuradaha, sida ay Jimcihii ku dhawaaqday hay’adda Duullimaadka Rayidka ah (SCAA).

Dayuuradahan Somalia laga diiwaan geliyey ayaa kala ah Freedom Airlines iyo Hala Airlines, iyagoo qaadan doona hor-galaha 6O (Six Oscar), halka ay haatan dalka ka howlgalaan dayuurado ka diiwaan gashan Kenya oo sita hor-galaha 5Y (Five Yankee).

Tillaabadan ayaa imanaysa 3 sanadood kaddib markii ay Somalia QM kala wareegtey xukumidda hawadeeda, iyadoo ay diiwaan gelintu dayuuradahan ka caawinayso inay lacag ka jaban dayuuradaha kale kusoo degaan, si ka duwan dayuuradaha qalaad.

Yeelkeede, waxaa jirta hal caqabad. Sida uu qabo xeerka hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee Caalamiga ah ee ICAO, dalalka doonaya inay dayuurado diiwaan geliyaan waa inay leeyihiin waxa loo yaqaanno Aircraft Maintenance Facility (AMF) oo ah hoosooyin ama hangarro dayuuradaha lagu cillad bixiyo, taasoo aanay Somalia haatan lahayn dhisme ahaan iyo tas-hiilaad dad ahaanba.

Hay’adda SCAA ayaa sidoo kale u baahan doonta inay dayuuradahan u sameeyso shahaado loo yaqaanno Air Operating Certificates (AOC) oo u rukhsaynaysa inay heshiis la geli karaan shirkadaha kale, iyadoo ay ICAO baari doonto badbaadada dayuuradahan.

Hadalsame Media