Muqdisho hadda malagu qaban karaa mudaaharaadyo? Muxuu Dastuurku ka qabaa maxay se tahay in la xeeriyo?

0

(Muqdisho) 15 Feb 2021 – Kooxaha mucaaradka ah ayaa iclaamiyey isu soo bax nabadeed oo cadaadis lagu saarayo XF Somalia oo ay sheegeen inuu waqtigii ka dhamaaday, isla markaana aanu dalku weli u jihaysnayn jidkii doorashada.

”Waqtigu waa ka dhacay XF mana muuqato saansaan ku saabsan agaasin doorasho.” ayuu ku dooday MW hore Sheekh Shariif oo ku hadlay codka musharrixiinta.

Yeelkeede, xubno ku dhow dhow xayndaabka hoose ee Villa Somalia ayaa durba muujiyey inaysan la dhacsanayn inay magaalada dibedbaxyo ka dhacaan waloow aysan si toos ah u diidin.

”Muqdisho waxay leedahay maamul & shuruuc damaanad qaadaysa xuquuqda uu leeyahay ruux-kasta oo magaalada ku nool. Ma ahan magaalo fowdo mana noqon karto.” ayuu yiri Cali Yare Cali oo sheegay inuu yahay Madaxa Amaanka ee Gobolka Banaadir.

Ha yeeshee, Dastuurka Dhexe ee dalka ayaa caddaynaya inay dadku dibad bixi karaan, caban karaan isla markaana ay codsi-wadareed u gudbin karaan hay’ad kasta oo ka tirsan DF iyaga oo aan cidna ogolaansho waydiisanin.

Waxaase muhim ah inaanu mudaaharaadku rabsho salka ku haynin isla markaana waa in xisaabta lagu daraa wadciga amaan ee uu dalku haatan marayo, taasoo qiimayn iyo xeerin uga baahan mucaarad iyo muxaafidba iyada oo aanu dhinacna xadgudbin.

Hadalsame Media