Maxaad ka taqaan ”Maalinta Jacaylka” & baaderiga loogu magac daray ee Saint Valentine?

0
Vector Illustration For St. Valentine day. Romantic wreath for Saint Valentine Day, wedding invitations, hen-party, the birth of a girl, greeting cards, poster. Objects on a separate layer

(Hadalsame) 14 Feb 2021 – Xaqiiqada Maalinta Jacaylka ee 14ka Febraayo. Waxa aynnu maqaalkan ku lafaguri doonnaa xaqiiqada maalintan ay Kiristanku ula baxeen maalinta jacaylka iyo bal sida ay ku timi ee ugu dhex faaftay bulshooyinka caalamka. Waxa aynnu daaha ka qaadi doonnaa xaqiiqooyin badan oo ku dhex qarsoon, balse aan muuqane la inoo qurxiyay.

Waxa dabaaldegyo iyo xaflado laga samayn jiray xilligii hore Yurub qaybaheedii Roomaanka, kuwaasi oo ahaa sannamo caabud, xilli uu boqor u ahaa Claudias Two.

14-ka February waxa ay xusi jireen wax ay uyaqaaneen Ilaahadda haweenka iyo boqoradda Ilaahyada Roomaanka.

15-ka Febr waxa ay xusi jireen wax ay caabudi jireen oo la odhan jiray Lubercalia.

Waxa la qali jiray riyo, dabadeed inta haragooda suuman dhuudhuuban laga sameeyo, ayay wiilashu dhiigii riyaha laga daadiyay inta ay daraan suumankaas la dhici jireen hablaha, si billaa xanuun ah. Waxana ay aaminsanaayeen in inanba inanta ay ka dhiig badan tahay, in ay ka barako badan tahay!!

Intaa kadib waxa la samayn jiray bakhtiiyaanasiib lagu gali jiray, hablaha magacyadooda. Inta uu inan walba yimaado, ayuu bakhtiyaanasiibkaas kala bixi jiray baakad ay ku jiraan warqad ay ku qoran tahay magacyada gabdhaha mid, gabadhaas usoo baxda ayaa uu kaxaysan jiray oo la tuman jiray, galmo xoog ku dhisanna la samayn jiray.

Boqorku waxa uu ahaa nin aad u dagaal badan oo waxa uu markasta rabi jiray ciidan.

Askarnimaduna waxa ay qasab ku ahayd in uu noqdo ninka aan guursan (doobka)ee aan xaaska lahayn, dhallintiina markay arkeen in lagu soo wada maqan yahay ayay guur kaga gabbadeen, si loo dhaafo oo aanay askar u noqon.

Boqorkii kadib waxa uu laallayba xeerkii guurka, si aanba marmarsiiyo loo helin oo aanay raggu ugu mashquulin reerahooda iyo xaasaskooda, beddelka halkii ay dagaalka ka geli lahaayeen.

Valentine waxa uu ahaa baadiri Kiristan noqday oo ka baxay sannamo caabudkii. Diinta kiristankuna waxa ay ahayd ammintaas, diin cusub oo bulshada ku soo dhex faafaysa, boqortooyaduna waxa ay ahayd mid la dagaallamaysa.

Valentine waxa uu caawin jiray Kiristanka tirada yar ee diinta qaatay, dhinaca kalena diinta Kiristanka ayuu faafin jiray.

Waxa uu baadarigani ka indho-adeygay oo si cad uga hor yimi wareegtadii boqorku soo saaray, waxana uu dadka isugu meherin jiray si hoose.

Markii la ogaaday ayaa la soo qabtay oo inta la xidhay ayaa la jidh-dilay, aakhirkiina waaba uu geeriyooday. Ka hor inta aanu geeriyoon waxa ay soo weriyaan in uu xabsiga kula kulmay gabadh doonaysa in ay guursato wiil ay jeclayd oo xabsiga kula jiray, waxa ay sheegaan in gabadhu ay ahayd indhoole. Waxa uu u qoray warqad, oo uu ugu qoray “From Your Valentine,” taas oo macne ahaan noqonaysa idinkaga timi Valentine. Iyana waxa ay soo weriyaan in ay u qortay warqad ah “To My Valentine,” taas oo iyana macne ahaan noqonaysa ku socota Valentinekayga.

Maalintaa laga billaabo, wixii ka dambeeyay waxa lagu magcaabay “Kii Dahirnaa,” waayo waxa ay aaminsanaayeen Kiristanku in naftiisa iyo ruuxdiisaba uu ku furtay. Dadka is jecel iyo kuwa raba in ay is guursadaan ayuu aad ugu ololeyn jiray Valentine.

Labo qaab ayaa la soo weriyaa in uu u dhintay.

Midka Koowaad waa in sidii loo jidh dilayay uu u dhintay. Midka Labaadna waa in la daldalay. Maalintuna waxa ay ahayd14kii Febr 270kii Tirsi taariikheedkan miilaadiga. Waxa ay Kiristankii u la baxeen “Shahiidkii Jacaylka,” sidaas ayaana lagu illaaway.

Muddo 2 qarni ah kadib markii ay Roomaankii oo dhami Kiristan noqdeen, 496dii baadari madhabta baratostaha ah haysta oo Clasias la odhan jiray ayaa si rasmi ah u hirgaliyay Maalinta Jacaylka Adduunka 14ka Febr, waxana uu ugu magac daray baadarigii la illaaway ee Valentine, sidaas ayuuna ugu magac daray oo ku noqotay Valentine’s Day.

Maalintani marka laga yimaado ciidaha Kirismaska, maalintani waa maalinta ugu kaar iyo hadyad iibsasho badan.

Maalintani dhinaca kale waa maalinta reer Galbeedku u astaysteen samaynta sinnada iyo faaxishada muqadaska ah iyaga agtooda.

Ardayda dugsiyada, jaamacaddaha iyo goobaha kaleba aad ayay isugu diyaariyaan maalintan, waxana aad u qaali garooba dhammaan alaabaha xumaanta loo isticmaalo maalintan. Waa maalin ay bannaysteen sinnada, xooggida iyo kufsiga hablaha yaryar, ciid ahaan u dabaaldeggaan, shaqooyinka la iska fasaxo, heer la gaadhsiiyay in wixii la doono la sameeyo ay mubaax yihiin agtooda.

Bal garanay oo qofka Kiristanka ahi maalintan hadduu u dabaaldeggo oo uu dhaho “Happy Valentine’s Day,” wuxu u aaminsan yahay in ninkani yahay mid u hiiliyay oo naftiisa u huray dhallinyaradii, jacaylkii iyo diintii Kiristankaba oo u shahiiday, laakiin adigu muslim baa tahaye maxaa u dabaaldeggaysaa?

Ma aragtidooda ayaad ku raacsan tahay?

Ta kale jacaylka haddii loo dabaaldeggayo maxaa hablaha yaryar qasabka loogu galmoon?

Jacaylku ma wax hal maalin oo qudha leh baa mise waa wax maalin kasta jooga oo la iska arko mise waa wax maalin qudha la istuso!

Haddaba, adiga oo Muslim ah, soomaali ah in aad ciidan gaaleedka u dabaal-degto, dhambaalo iyo farriimo hambalyayna daaran aad dadka la wadaagto saw taasi caddeyn uma aha in aad ka gudubtay xuduudkii Ilaahay inoo dhigay oo aad dhaaftay, in labadii ciidood ee Islaamku oggolaa aad ciid saddexaad oo fusuq iyo faaxisho la samaynayo aad kuso darsatay.

Waxa aad kor kaga soo bogatay warbixantii Maalinta Jacaylka Adduunka iyo asalka halka ay ka timi, sababta aanan aayad ama xadiis qudha ugu soo qaadan qoraalkayga waa in aan muslimiin nahay, waxa ay in farayso diintu iyo ciidaha Islaamkana aan garanayno 100%. Kolkaa qofka maalin saddexaad kusoo darsada waa mid isagu badheedhay oo Islaanimadii garab maray.

Xukunkeeda waxa aan filaya in aa kawada dharagsanahay, inbadana ay inoo bayaamiyeen culimadeenu.

Ka soomaali ahaan shawyo ayay qabtaan qolyahan muusig tuntaa, lacag qaali ah ayaa lagu galaa, dhar cascas ayaa la xidhaa, niman iyo naagoba waa la tuntaa, maxaa ka sii danbeeya?

Meelaha qaar sida waxa la doonayo loo samaynayo ayaa waagu ugu beryaa oo lagu eedaamaa. Caqliga saliimka ahi waxa uu isweyddiinayaa oo mar haddii innaga oo Islaam ahi aanu sidaa samaynayno, maxay tahay waxa aynnu kaga duwanahay ficillada ay Kiristanku samaynayaan maalintan?

Haddii aan Nabiga SCW loo balan qaadin in ummaddiisa aan la halaagayn illaa inta qiyaamuhu ka dhacayo, waa hore ayaynu halaagsami lahayn danbiga iyo xumaanta maalintan qudha la samaynayo darteed.

Ugu dambeyn, walaalayaal dadkeena sida indho la’aanta ah u raacaya waxa ay gaaladu dhoob-dhoobatay aynnu Ilaahay u noqono oo aan joijino shubuhaadka iyo waxyaabaha aan sal iyo raad toonna ku lahayn Islaamka.

Diyaarintii: Maxamed Deeq Darajo

Hadalsame Media