”Yay faa’iido ugu jirtaa dagaalka ay wadaan?!” – Su’aal ay tahay inay Shabaabku is waydiiyaan

0

(Hadalsame) 13 Feb 2021 – CIA ayaa samaysay, tababartay oo qalabaysay iyada oo u bixisay magaca “Mujaahidiin”, sida ay qiratay isla DF Maraykanku iyada oo ay lacagta bixinayeen dalal uu Sucuudigu ugu horreeyo si ay ula dagaallamaan Midowgii Soofiyeeti oo dabayaaqadii 70-meeyadii qabsaday dalka Afghanstan.

Halkan hoose ka daawo Hillary Clinton oo si cad u sheegaysa arrintaas.

Nimankaani waxay dadka kusoo galeen waxaan u diriraynaa ”xoraynta dunida Muslimka ah” oo waxaan diidan nahay saamaynta reer Galbeedka oo ah kuwa iyaga laftooda asaasay, maanta wuxuu xaalkoodii ku ururay aroos iyo meel ay dad Muslimiin ah ku shaahayaan qarxinteed iyo in gaari miinaysan magaalada lagu dhex daayo dadka masaakiinta ah lagu dhex qarxiyo, iyagoo 95% ka badan Muslimiinta kale dhibaateeya dalal badan oo Muslim ahna dhulka la galay oo gaaladii oo ku marmarsoonaysa argagixiso ayaan la diriraynaa u jebiyey.

Markan oo kale waa waajib ah ama ugu yaraan fiicnaan lahayd in dadka caqli bartii ku haray ee weli Shabaabka ka tirsani ay inta isku laabtaan is waydiiyaan nafta, maalka iyo tamarta ay hurayaan halka ay ku baxayso iyo cidda ay istaraatijiyad ahaan u faa’iidaynayaan kolleey Islaamka ma ahane.

Sababtu waxay tahay maanta dalal badan oo Muslimiin ihi waxay u jaban yihiin oo dhulka u yaallaan dagaal aan jid iyo jiho lahayn oo ka fool xun mid kasta oo horay u dhici jirey oo ka kaban la’yihiin dalal badan oo Muslim ah oo markaa ku khasbanaaday inay dhegeystaan yeeriska dalalkii ay kooxahani markii hore sheegayeen inay ”dadka ka xoraynayaan”.

Su’aasha ay mudan yihiin inay is waydiiyaan waxay tahay in makhaayad ku taalla magaalada Muqdisho ama jidwayne magaalada mara la qarxiyo oo dad masaakiin ah oo Muslimiin ah lagu laayo yaa lagu xoraynayaa?

Hadalsame Media