Göteborg oo laga samaynayo khad tareen oo isku xiraya Kortedala & Hisingen (Bas is wada oo la tijaabinayo)

0

(Gothenburg) 13 Feb 2021 – Wixii loo gaaro 22 Febraayo waxay hay’adda maamusha Gaadiidka Dadwaynaha ee Gobolka Västra Götaland ee Västtrafik ay khad cusub oo tareen oo la yiraahdo Linje 14 ka dhex bilaabaysaa xaafadaha Kortedala iyo Hisingen, iyada oo la marayo bartamaha Göteborg.

Waxaa sidoo kale la kansali doonaa Khadka loo yaqaan Linje 13 oo haatan isku xira Wieselgrensplatsen iyo Sahlgrenska kuwaasoo u wareegi doona khadka cusub ee 14, sida ay sheegtay Sara Ihrlund, Madax Qaybeedka Daabulka ee Västtrafik, oo shir jaraa’id qabatay.

GOORTA: Spårvagnslinje 14 wuxuu maalmaha shaqo (fasaxa iyo todobaad-dhamaadyadu kuma jiraan) dadka daabulaa min 07.30 ilaa 18.30 isagoo kasoo bilaabmaya Nymånegatan-Centralstationen-Wieselgrensplatsen. 

Dhanka kale waxaa socda tijaabo lagu samaynayo basas bilaa darawal ah oo is wayda oo 18-kii Jannaayo si tijaabo ah looga bilaabay qaybta Lindholmen ee Göteborg isagoo ku socda magaca Linje 56.

Tijaabadan oo 4 bilood soconaysa ayaa qayb ka ah mashruuc la yiraahdo S3 (Shared Shuttle Services), kaasoo ka mid ah barnaamij ay waddo Dowladda Dhexe oo loogu tala galay diyaarinta qaababka safar ee mustaqbalka.

Hadalsame Media