Turkiga oo furka ku xooray tillaabo ka dhan ah oo ay qaadeen dalalka Masar, Sucuudiga, Imaaraadka & Baxrayn

0

(Ankara) 12 Feb 2021 – Turkey ayaa cambaareeyey war uu ku sheegay isbahaysi isaga ka dhan ah oo ku shiray caasimadda Giriigga ee Athens halkaasoo ay shir ku yeesheen Giriigga, France, Masar, Saudi Arabia, Imaaraadka, Bahrain iyo Maamulka Giriigga Qubrus.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa lagu dhaliilay wax lagu sheegay “hadal meel ka dhac ah oo kasoo yeerey WAD Giriigga kaasoo caddaynaya in kulankani aanu ku saabsanayn saaxiibtinnimo.”

Turkiga ayaa sheegay in “kulan kasta oo ku saabsan arrimaha gobolka ay khasab tahay inuu goobjoog culus ka ahaado Turkiga iyo Maamulka Turkiga Qubrus” iyagoo dhaliilay Wasiir Dibadeedka Giriigga ee Nikos Dendias.

Turkiga ayaa sheegay “in mowqif cadaawadeed loo muujiyey xilli ay doonayaan inay asaasaan xiriir daacad ah iyo iskaashi sal ballaaran oo laga yeesho arrimaha Bariga Badda Cad”, iyagoo sidoo kale sheegay inay arrintani wiiqayso dedaallada Midowga Yurub ee abuurista midowga Union for the Mediterranean.

Waloow la garan karo hiillada Faransiiska ee uu siinayo Giriigga waxaan la fahmi karin halka ay ka socoto midda dhowrka dal ee Carbeed ee goobta joogey iyo wax ay runtii Turkiga ka rabaan.

Hadalsame Media