TALO WAYGA YAACDAY: Ganacsade Imaaraati ah oo ceeb iyo bahdil kala kulmay Israel (Sidee wax u dheceen?)

0

(Quddus) 12 Feb 2021 – Xiriirka Kubadda Cagta Israel ayaa caadi u fariisiyey qorshe uu ganacsade Imaaraati ihi ku iibsan lahaa 50% ka mid ah kooxda cunsuriga ah ee Beitar Jerusalem, taasoo shaki gelinaysa aayaha kooxdaasi oo dhaqaala darro la il daran.

Bishii Diseembar ayay ahayd markii uu Hamad bin Khalifa Al Nahyan, oo ka mid ah qoysaska xukuma Imaaraadku uu 300m oo shekel (ku dhowaad $92m oo doollar) uu kooxdan uga iibsadey Moshe Hogeg.

Yeelkeede, heshiiska ayaa shaki galay markii ay bishii tagtay ay baaris bilaabeen Xiriirka dalkaasi oo soo helay ”khaladaad waawayn” oo ku hareereeysan xaaladda dhaqaale ee ninka Imaaraatiga ah iyadoo uu Axaddii dhacay waqti 3 todobaad ahaa oo loo qabtay in lagu keeno dokumentiyo maqnaa iyadoo ninkan lagu tuhunsan yahay inuu leeyahay diiwaanno dembi, sida ay sheegeen.

Warbixin uu Xirirku soo saaray ayaa lagu baabi’iyey iibka kooxda ee saamiga dhan 50%, taasoo meesha ka saartay Hamad bin Khalifa isla markaana milkiyadda kooxda kusoo celisey midigta waloow mustaqbalka mar kale dalabyo kale la dhegeysan doono, sida lagu qoray Mako.

Si kastaba, iibsiga kooxdan ayay la yaabtay dunida Carabtu maadaama ay taageerayaasha kooxdani yihiin kuwo ku xadreeya caayda iyo cunsuriyadda Carabta marka ay ciyaarayso kooxdoodu, mase aha markii 1-aad oo ay meel xun ku baxdo lacagta sida sahlan lagu helay ee Khaliijku.

Hadalsame Media