XOG: Madaxtooyada oo aqbashay talada beesha caalamka & shin-tiriska cusub ee loo dhigay doorashada 2021 (9 qodob)

0

(Muqdisho) 09 Feb 2021 – sida uu sheegayo Senatar Cabdulqaadir Gees Cadde, xogtii ugu dambaysay Natiijadii kasoo baxday shirarkii beesha caalamka iyo Farmaajo u dhaxeeyay iyo taladii oo la qaatay Gudigiisa istaraatiijiyada waa ay aqbaleen Qoraalkii beesha Caalamka qoraalkii beesha caalamka wuxuu ahaa :

1. In muqdisho la isugu yimaado shir deg deg ah 12ka bisha February 2021 ilaa 17ka bisha February 2021 ugu dambeyn.

2. Si xal loo gaaro khilaafkane uga baxo meesha waxa lasoo go’aamiyay deegaan doorashadu hal goob in ay noqotaa.

3. Maadaama aan la heyn lacagta doorashada 90% waa in Ergada loosoo celiyaa sideedii hore 2016 oo ah 51 ergo.

4. Qadiyadda Gudiga maamulaya Doorashada Somaliland 50% waxaa soo xulan doono Raisul wasaare kuxigeenka halka 50% uu soo xulan doono Gudoomiyaha Aqalka sare Si khilaafaadka u dhamaadaan is aaminaad loo helo iyo dalkane xasilooni iyo doorasho lagu kalsoonaan karo loogu dardargeliyo 3_bilood gudahood.

5. Gudiga doorashada Heer federaal khilaafka ka taagnaa sidiisa loo dhaafo waajibaad kiisa si xikmad leh ula shaqeeyaan gudiyada doorashooyinka ee heer gobol.

6. Doorashada Aqalka sare waa in ay bilaabataa 7_Maarso_2021 si dib u dhac doorasho aan loosii gelin.

7. Heshiiskii Doorashada ee 17_kii September 2020 sidiisa ayuu u dhaqan galayaa marka laga reebo Labada Qodob ee laga bedelay oo ah “”Deegaan Doorashada iyo Tirada Ergada”” inta kale waa sidiisa waxba lagama bedeli karo.

8. Doorashada Labada Gole Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa in lagu soo gabagabeeyo 60_cisho Gudahood oo ah Laba bilood ugu dambeyn Bisha April.

9. Sidoo kale mushkiladda ka taagan Hiiraan iyo Gedo waxaa xalin doonta Dowladda soo socota si waqti ku filan ugu hesho in ay u sameesato guddi dib u heshiisiineed khilaaf yadaas xal ka gaara.

W/D: Senator Abdulkaadir Geescade

Hadalsame Media