SAWIRRO: Waddankii ugu horreeyey ee Muslim ah oo markab-cireed geliyey hawada Mars (Maraykanka & Shiinaha oo uu ka dheereeyey)

0

(Hadalsame) 09 Feb 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Muslim ah iyo midka 5-aad ee dunida oo idil markab-cireed u dira meeraha cas ee Mars.

Markab-cireedkan oo lagu magacaabo Hope ayaa galay hawada Mars maanta oo Talaado ah saacaddu markii ay ahayd 16:15 GMT, isagoo sidaa ku dhamaystiray 493 milyan oo KM oo uu meerahani dhulka u jirey.

Hope ayaa noqon doono markab-cireedkii ugu horreeysey ee sawir buuxa kasoo qaada hawada meerahan iyo lakabyadeeda, sida ay sheegeen Imaaraadku.

Wuxuu sidoo kale sahmin doonaa curiyeyaasha ay ka kooban tahay hawooyinka meerahaas oo ay u badan yihiin hydrogen iyo oxygen, iyadoo uu halkii sano ee Mars uu ka kooban yahay 687 maalmood, taasoo ku dhow 2 sano oo dhulkeenna buluugle ah.

Markab-cireedka Imaaraadka ayaa kasoo dheereeyey 2 kale oo ay kala leeyihiin NASA oo Maraykanka ah iyo mid Shiinuhu leeyahay, waloow si ka duwan labadaa aannu sheegnay aanu midka Imaaraadka ku degi doonin oogada Mars oo uu yahay tijaabo aan hawada meeraha dhaafi doonin.

Markab-cireedka Shiinaha oo la yiraahdo Tianwen-1 ayaa berri soo geli doona hawada Mars, waxaana xiga midka NASA oo lagu magacaabo Perseverance oo iman doona Febraayo 18.

Imaaraadka, Shiinaha iyo Maraykanka ayaa ka faa’iidaystey hal arrin oo dhacday bishii Luulyo markaasoo ay isku beegmeen meerayaasha Dhulka aannu deggan nahay iyo Mars (alignment) si ay u ganaan markab-cireedyada.

Hadalsame Media