Dalalka Jarmanka, Sweden & Poland oo iskugu tegey Ruushka (Diblomaasiyiin la eryey)

0

(Hadalsame) 09 Feb 2021 – Nidaamyada Berlin, Warsaw, iyo Stockholm ayaa persona non grata (PNG) u jaray min hal diblomaasi oo ka tirsan Safaaradaha uu Ruushku ku leeyahay magaalooyinkaasi, iyagoo ka jawaabaya darajo ka xayuubin ay Moscow ku samaysay diblomaasiyiin ay leeyihiin oo ka qayb galay dibed bax ka dhacay Ruushka.

Warar kasoo baxay Wasaarad Dibadeedyada Jarmanka, Sweden iyo Poland ayaa lagu sharraxay in ay dalbadeen in la cayriyo hal diblomaasi oo ka tirsan Safaaradda Ruushka ee dalalkaasi.

Diblomaasiyiinta uu Ruushku soo eryey ayaa ka qayb galay dibed baxyo lagu taageerayey gayfanaha siyaasadeed iyo mucaaradka Alexey Navalny oo ay isku kacsan yihiin Kremlin-ka dalkaasi iyo MW Putin.

Jarmanka ayaa eryey qof ka tirsan Safaaradda Ruushka ee Berlin. Poland ayaa cayrisey mid ka tirsan shaqaalaha Qunsuliyadda Guud ee magaalada Poznan, halka aan la shaacin haybta qofka ay cayrisey Sweden.

Yeelkeede, Ruushka ayaa tillaabada dalalkan ku tilmaamay mid aan ”qiil ku fadhiyin.” Reer Galbeedka ayaa siyaasaddooda u adeegsada qaab hiillo iyo cadaadis wadareed ku dhisan.

Hadalsame Media