(Hadalsame) 08 Feb 2021 – Sida ku cad qodobka 2-aad ee Xeer.Lr.20, ee wax ka beddelka Dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxa muddada xil haynta Baarlamaanka Federalku ku eeg tahay marka la dhiso Baarlamaankii Federalka ee golayaasha hadda joogga beddeli lahaa.
Labada gole waxa la gudboon inay qaadaan tallaabooyin xilkasnimo ah, oo ay ku dhawrayaan haybadda, kala dambaynta iyo habsami u socodka shaqada dawladda. Sidaas darteed waxa qumman iyaga oo awooddooda sharci adeegsanaaya inay madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday u yeedhaan, oo ay xil gaadhsiin saddex bilood ah siiyaan, si ay ugu suurtagasho inu doorasho dalka ka qabto, iyaga oo weliba siinaaya jadwal shaqo oo ay la xisaabtan iyo korjoogtayn ku yeelanayaan.
Jadwalkaasna waa inay ku qeexaan in saddexda bilood bisha koowaad Aqalka Sare lagu soo doorto, bisha labaadna Golaha Shacabka, bisha saddexaadna maalin qeexan doorashada madaxweynaha loo asteeyo.
Sidoo kale waa inay awooddaha madaxweynaha dhimaan, oo saddexdaas bilood masuuliyadiisa ku koobaan qabashada doorashada.
Baarlamaanka Federalku waa inay si guurtinimo iyo xilkasnimo leh u qaataan doorkooda, oo ay dhinacyada siyaasadda isku haya ku dabbaalaan qaanuunka.
Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush
Hadalsame Media