JIRRO noocee ah ayay muujinaysaa in guurka loo adeegsado sidii agab la isku xayaysiiyo iyadoo gabdhihii la bahdilayo?

0

(Hadalsame) 07 Feb 2021 – In wiil yar guri kusoo aruuriyo dhawr gabdhood oo isla eg, misana yiraahdo waxaan guri ku wada qabaa afar ama sedex dumar ah, kadibna saxaafadda u yeerto oo maalmo kooban baraha bulshada la wadwado, ilama ahan saansaan wanaagsan iyo ifafaalo qurxuun.

Waxey muujineysa mushkilad bulsho oo inagu soo fool leh haddaan si caqli leh looga fiirsan.

Bulshadeenu meelo badan ayey ka xanuunsaneysaa, waxaana haysta jirrooyin nafsi u badan, meelaha sida xooggan looga dareemi karo cudurradeena qarsoon, oo hadba in yar bannaan ka soo dhigaya waxaa ugu weyn baraha bulshada, laakiin yaynaan u qaadan wax lagu madadaasho iyo sheekoyin lagu qoslo.

Dhallinyarada saxaafadda ku jirta waxaan dhihi lahaa dalka arrimo badan ayaa ka jira ee dhanka aad ka fiirineysaan sheekada iyo sidaad dadka ugu soo bandhigeysaan aad uga fiirsada, waayo bulshadu waxey la aadeysa hadba halka ay sheekadu ku biyo shubato.

Waxaa Qoray: Maxamed Royal

Hadalsame Media