Dadwaynaha oo iminka ku baraarugey jiritaanka heshiis ku darsi ah oo horay loo saxiixay (Akhri)

0

(Muqdisho) 06 Feb 2021 – Waxaa lagu kala tegey shirkii Dhuusamareeb oo ugu dambeeyey isku dayo dhowr ah oo ay dadwaynuhu ku rajaynayaan in dalka loo jiheeyo doorasho guud oo lagu soo xulo baarlaman iyo Madaxwaynaha dalka.

MW Farmaajo oo kasoo noqday shirkaasi ayaa maanta la hadlay Aqalka Hoose ee Baarlamanka, halkaasoo uu ku celceliyey in aanu dalku geli doonin ”firaaq maamul”, taasoo loo fasirtay ku darsi otomaatig ah oo ay ugu horreeyaan labada aqal ee Baarlamanka oo haatanba fadhiya tiiyoo uu waqtigii ka dhamaaday.

Yeeleede, waxaa jira sharci uu Golaha Shacabku soo saaray 26-kii Sebtembar oo ah todobaad iyo bar kaddib markii la saxiixay heshiiskii 17-kii Sebtembar oo aan weli hirgelin, waxaana sharcigaa oo uu saxiixay Madaxwaynaha dalka ku dhigan in dhamaanba hay’aadka DF ay sii shaqaynayaan inta laga helayo cid bedelaysa.

”Si aanu u dhicin firaaq dhanka jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah ee DF; Baarlamanka 10-aad ayaa xilka sii haynaya ilaa laga dhaarinayo Baarlamanka 11-aad. Hay’adaha kale ee DF iyaguna xilalkooda ayay sii haynanaan.” ayaa ku dhigan heshiiska.

Hoos ka akhri…

Hadalsame Media