Cudur halis ah oo ka bilowday Gobolka Soomaalida Itoobiya & tillaabo la qaadayo

0

(Addis Ababa) 06 Feb 2021 – Xafiiska WHO ee Itoobiya ayaa Gobolka Soomaalida ka xaqiijisay wax ku dhow 160 kiis oo ah xumadda loo yaqaan Dengue Fever oo laga helay agagaarka Dooloow iyo 47 kale oo laga sheegay qaybo kale oo ka tirsan Gobolka Liibaan, sida laga xaqiijiyey saami loo diray shaybaar ku yaalla Hawaasa.

WHO ayaa sheegtay inay haatan ka shaqaynayso sidii jawaab looga bixin lahaa cudurka iyadoo samaynaysa sahan iyo saami ururin iyo sidoo kale soo daabulidda dawooyinka loo baahan yahay, taasoo ay dheer tahay tababar la siinayo howlwadeennada caafimaad ee ku sugan mandiqadda uu cudurku ka jiro.

Meesha haatan cudurka laga soo sheegayo ayaa wuxuu cudurku horay uga kacay 2017-18-kii, waxaana sababta lagu sheegay jiilaal daahay oo keenay nafaqa darro keentay difaaca jirka oo hoos u dhaca iyo sidoo kale dad barakacay.

Wakiilka WHO, Dr Boureima Hama Sambo, ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in laga hortago meelaha ay kaneecadu ku taranto iyo qaniinyada kaneecada si loo yareeyo faafidda cudurka oo raaca qaniinyada dhilmaanyada.

Hadalsame Media