XOG: Yaa diiddan in xeer jajab laga gaaro muranka ku saabsan doorashada Gobolka Gedo?

0

(Dhuusamareeb) 05 Feb 2021 – Warar ku dhow ilaha Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in MW Jubbaland ee Axmed Madoobe uu gabi ahaanba ka hor yimid dookhyadii ku aaddanaa xal laga gaaro arrinta Gobolka Gedo, sida ay xoguhu sheegayaan.

DOOKHYADA LASOO BANDHIGAY – Waxyaabaha uu Axmed diidey waxaa ka mid ah guddi dhexdhexaad ah loo xil saaro Gobolka Gedo, in Ciidamo AMISOM ka tirsan halkaa la geeyo iyo in guddigiisa doorashadu ka howlgalaan goobta doorashada ee Garbahaarreey oo ah caasimadda Gobolka Gedo.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in MW Somalia uu tanaasul iyo debecsanaan ka muujiyay dhankan, balse balse uu Axmed Madoobe oo aan u muuqanin nin arrimahaa aqbalaya uu ku yalmi diidey dookhyada loo bandhigay si arrinta loo xalliyo.

Dad badan ayaa rumaysan in Kenya ay Axmed Madoobe ku cadaadinayso in ciidanka DF laga soo saaro halkaasi, taasoo ah arrin dastuur ahaan khalad ah.

Hadalsame Media