Waaxda Socdaalka Sweden oo soo gaabinaysa waqtiga la sugo go’aannada baasaboorrada & dacwooyinka kale (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 05 Feb 2021 – Waaxda Socdaalka Migrationsverket ayaa saadaalisay inay sanadkan hoos u dhici doonaan dadka magangelyo doonka ah ee iska dhiibaya Sweden, waxay sidoo kale ballan qaadeen inay soo gaabin doonaan mudada go’aanka looga gaarayo kiisaska iyo araajida kala duwan ee ay dadku la tagaan Waaxda Socdaalka oo haatan uu qofku muddo dheer sugo in go’aan laga gaaro kiisaska dacwooyinka iyo dalabyada baasaboorrada.

Henrik Holmer waa madaxa qorshaynta Waaxda Socdaalka.

’’waxaannu shalay samaynay qiyaas ah inay aad u yaraan doonaan waqtiyada lagu xalliyo dhamaanba kiisaskeenna.’’ ayuu yiri Holmer.

Hadalsame Media