Somalia oo heleeysa kuurooyinkii ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19 (Imisa ayay helayaan dalalka kale ee Bariga Afrika dalkeese ugu badan?)

0

(Geneva) 05 Feb 2021 – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday inay Somalia siinayso 1.2 milyan oo kuuro oo tallaalka lagu allifey Oxford ee Astrazaneca ah bilaha soo aaddan, sida uu sheegay wakiilka WHO ee dalka.

Dr. Sk Md Mamunur Rahman Malik, ayaa laanta Af Soomaaliga ee VOA u sheegay in kala bar tallaalkaa la siinayo howlwadeennada caafimaadka Somalia ee cudurka la tacaalaya oo gaaraya 600,000.

Waxaa tillaabadan soo dhoweysey DF Somalia, gaar ahaan Wasiiradda Caafimaadka, Fawziya Abikar Nur, waloow aysan Dowladdu xitaa hal kuuro oo tallaalka cudurka Covid-19 ah usoo iibinin Somalia.

Tillaabadan ayaa qayb ka ah mubaadarada COVAX oo qayb yar oo ka mid ah wareegga 1-aad ee tallaalka bilaash ku siinaysa Somalia, waloow dal kasta looga fadhiyo inuu 80% isagu iibsado tallaalka, Afrika taasi kama jirto oo waxaa la degey musuq iyo mas’uuliyad xumi baahsan.

Mashruucan oo lagu kharash gareeynayo kaalmo laga helay ururro iyo dalal kale sida $6 milyan oo ay ku deeqayso EU-du ayaa sidoo kale la siinayaa dalalka kale ee Afrika.

Haddii aannu dhanka bariga ka eego; Kenya waxaa la siinayaa 4,176,000 oo kuuro, Uganda waxay heleysaa 3,552,000 oo kuuro, Rwanda waxaa loo qoondeeyey 996,000 oo kuuro, halka Sudan la siinayo 3,396,000 oo kuuro, marka loo eego 864,000 oo la siinayo South Sudan.

Ethiopia ayaa heleysa kuurooyinka ugu badan oo ah 9 milyan oo kuuro, marka la eego hab-raaca WHO Emergency Use Listing Procedure.

Barnaamijka VCOVAX ayaa lagu wadaa inuu 600 milyan oo tallaalka Covid ah siiyo dalalka faqriga ah sanadkan 2021.

Afrika ayaa ilaa haatan laga diiwaan geliyey 3.6 milyan kiis, oo ay ku dhinteen 93,000 oo qofi.

Hadalsame Media