Shirka Dhuusamareeb oo burbur ku dhow & beesha caalamka oo ka hortagtay laba tillaabo oo xaaladda sii cakiri lahaa

0

(Dhuusamareeb) 05 Feb 2021 – Wararka ka imanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka halkaa ka socdaa uu ku sigan yahay inuu burburo balse ay jirto rajo yar.

Danjiraha Maraykanka, Donald Yamamoto iyo xubnaha beesha Caalamka ayaa lagu soo warramayaa inay soo faragaliyeen khilaafka baahsan ee qarka u saaran in uu shirku ku bur buro.

Waxaa la sheegayaa inay ku guulaysyeen in la baajiyo shirkii jaraa’id oo uu qaban lahaa Axmed Madoobe, waxaa sidoo kale dib loo riixay oo baaqday kulankii wadajirka ahaa ee uu MW Farmaajo ku baaqay inuu u qabto labada aqal ee Baarlamanka DF.

Madaxda meesha joogta ayuu midba tiisa gaarka ah eeganayaa, balse nasiib darro beesha caalamka oo ah rajada qura ee ay haatan eeganayaan shacabku ayaa ku dadaalaysa in aan shirka lagu kala tagin, waxaana ay saartay culays dhinacyada Xukuumadda iyo Maamul goboleedyada.

Waxaa la isku mari la’yahay arrintii Gobolka Gedo, xubno sare ee ka tirsan wefdiga Axmed Madoobe ayaa weriye Xasan Cadde u sheegay in MW Farmaajo ku adkaystay in aanu Axmed Madoobe ku wareejinaynin maamulidda Gobolka Gedo, halka uu Madoobe ku dhegey in isaga lagu wareejiyo.

Madaxwaynaha Somalia ayaa sidoo kale ka hor yimid in kor loo hayo 17-ka kursi ee Gobolka Gedo si dawladda dhalanaysaa ay go’aan uga gaarto qaabka loo maraynayo 16-ka kursi ee Gedo, waa sida ay ishani sheegeysee.

Hadalsame Media