Laba arrimood oo u sabab ah inuu daba dheeraado shirka Dhuusamareeb oo la sheegay

0

(Hadalsame) 05 Feb 201 – Waxaa Dhuusamareeb haatan markii 4-aad ka socda shir ay halkaa ku leeyihiin madaxda XF iyo maamullada dalka qaarkood, balse waa maxay waxa keenaya in intaas oo jeer la shiro?

Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa aaminsan in uu hayo jawaabta su’aashan wareerinaysa maanka mujtamaca Soomaaliyeed, isagoo kusoo koobay laba sababood:

1. Khilaafka sadbursida xukunka oo ku dhisan aniga ayaa raba iyo aniguna waa rabaa. Waa kuraas la boobayo. Waxyaabaha la isku haysto meel garsoor ah oo loo garnaqsado ma jirto.

2. Khilaafka ka dhexeeya halganka kali-talisnimada iyo tallo-wadaaga (dimoqaraadiyadda). Waxey ku dhisan tahay aan tashano, tasho mayno, aniguna kaa yeeli maayo. Labadaas arrimood weeye khilaafka siyaasiyiinta.

Hadalsame Media