Yaa diley Jen. Galaal? Tuhun ka dhashay halka xabbada looga dhuftay & duruufaha ku hareeraysnaa halka maydkiisu yaalley (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 03 Jan 2021 – Siyaasiga Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa keenay aragti ah inay dhici karto in Jen. Galaal uusan ku bixin gacanta Shabaabkii soo weeraray Hotel Afrik, balse ay dileen ciidanka DF ee goobta soo gaarey.

Indhacadde oo waraysi siinayey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in uu isaga oo ka mid ahaa raggii hoteelka u gurmadey loo sheegay in Jeneraalka goobta laga saaray balse ay taasi been ahayd oo uu hoteelka oo uu deganaa ku jirey.

MUXUU U DALIISHADEY TUHUNKIISA? Wuxuu sheegay inuu kor tegey maydka Galaal kaasoo uu sheegay inay ku dhacday hal xabbo oo qadaadka uga taalley, taasoo ka dhigan in qofka toogtey uu xabbadda ku dhuftay isaga oo sii jeeda.

Wuxuu intaa raaciyey in jananku uu ku jirey barandada qolkii uu deganaa waxaana la yaalley nin bambo nooca F-1 ta ah gacanta ku haystey, halka uu nin kale yaalley meel maydka jananka u jirta 1 mitir.

Yeelkeede, ninka halka mitir u jira meesha uu yaalley kuma dhiman ee waa lasoo dhigay, sida uu qabo Indhacadde oo aragtidiisa u daliishanaya 2 sababood:

1 – In aanu ninku meesha ku dhiig bixin.

2 – In joodarida sariir ag taalla maydka ay ku sawirantay sumadda 5 farood oo dhiig leh oo uu ku sheegay qof meesha cuskaday markii maydka lasoo dhigayey.

Arrinta kale oo uu sheegay Indhacadde waa in ninka F-1 ta haystey iyo jananku ay ”kor saarraayeen” oo ay isla yaalleen meel aan ka badnayn 1 mitir, iyadoo marka 3-da mayd la isu geeyo ay yaallaan saaxo dhan 2 mitir.

Sida uu Indhacadde oo laftiisu ciidan soo maray qabo, su’aashu waxay markaa noqonaysaa sababta ay 3 nin oo is dilaysa oo wada hubaysani ay 2 mitir ugu wada dhiman karaan? Maxaa keenay in jananka uu dilo qof gadaal ka toogtey? Maxaa keenay inuu mayd yaallo meel uusan ku dhiig bixin?

Aragtida Indhacadde ayaa intaa ku daraysa in labada nin ee Shabaabka ihi ay weerareen meesha uu ku jirey Jen. Galaal, balse uu isagu diyaar ahaa oo ay qolkiisa u yaalleen qori, bastoolad iyo bambooyin, sidaa darteed, uu ragga soo weeraray diley.

Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay inuusan DF ku tuhmaynin inay iyadu fartay dilka jananka, balse wuxuu sheegay inay jiri karaan rag ku jira ciidanka oo arrintaa si iskood ah ugu dhaqaaqi kara, sidaa darteed, wuxuu ku baaqay in la sameeyo baaris ballaaran oo ay ka qayb qaataan ehelkii jananku.

Jen. Galaal ayaa ugu dambeeyey jeneraallo fara badan oo tan iyo bilowgii burburka lagu diley Somalia, kuwaasoo inta badan la khaarajiyey ama la weeraray.

Hadalsame Media