Dowladda Sweden oo go’aan kasoo saartay dadka usoo safraya dhankooda (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 03 Feb 2021 – Shir jaraa’id oo ay dhowaantaan qabteen Stefan Löfven (S), Mikael Damberg (S) iyo madaxa ciidanka ammaanka ayaa lagu soo bandhigay xayiraad cusub oo lagu soo rogey dhammaan dadka aan dalkan u dhalan ama deggeneyn ee dooneya iney booqasho ku yimaadaan.

Xayiraadda cusub ayaa dhigaysa iney sitaan warqad caddeeynaysa in aaney qabin xanuunka covid-19 oo la soo saaray 48 saacaddood gudahood kolka ey safar ku yimaadaan, laga bilaabo sabtida foodda innagu soo haysa 6-da febraayo ilaa dhamaadka Maarso. Waana codsi dawladda uga yimid hayadda caafimaadka bulshada.

”Tallaabadan ayaa ka dambeeysay maadaama dalka laga heley kiisas dad badan oo qaaday fayruska cusub ee Ingiriiska ka bilowday, iyo inaan la qiyaasi karin waddammada uu iminka ku badan yahay fayruskaasi.” ayuu yiri RW Sweden.

Hadalsame Media