DEG DEG: Booliiska Myanmar oo dacwo kusoo oogey Aung San Suu Kyi (Agab laga helay gurigeeda)

0

(Naypyitaw) 03 Feb 2021 – Booliiska Myanmar ayaa dacwo u haysta hoggaanka la afgembiyey Aung San Suu Kyi iyadoo eedaha loo raacday ay ka mid yihiin inay jebisey xeerka dhoofka iyo soo dejinta dalkaasi, iyagoo amray in lasoo xiro ilaa 15-ka bishan, sida ku cad dokumenti ay aragtay Reuters.

Dokumentiga saldhig booliis oo ku yaalla caasimadda cusub ee Naypyitaw ayaa sheegaya in booliiskii baaray guriga Suu Kyi ay halkaa ka heleen raadiyeyaal gacan qaad ah oo dalka lagu soo geliyey si ”sharci darro ah” iyadoo aan rukhsad loo haysan.

Booliiska ayaa sidoo kale dacwad kale ku furay Madaxwaynihii la afgembiyey ee Win Myint oo isna loo haysto inuu khaladaad ka sameeyey dhanka xeerarka maaraynta musiibooyinka.

Wixii dheeraad ah la soco…

Hadalsame Media