”Waan nalala garan!” – MW Muuse Biixi oo si qiiraysan uga hadlay geerida Jen. Galaal (Daawo)

0

(Hargaysa) 02 Feb 2021 – MW Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qiire leh uga hadlay geeridii ku timid Jen. Galaal oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik, Muqdisho.

Muuse oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay Hargaysa ayaa sheegay in Soomaalidu ay isku dad tahay oo ay woqooyiga damqayso dhibaatada daba dheeraatay ee koonfurta ka aloosan, taasoo uu sheegay inay wax ka qaban kari lahaayeen ”haddii lala garan lahaayeen waxaannu u nahay” sida uu yiri.

”Aad bay noo damqayaan dadka maalin walba halkaa ku dhimanaya oo uu dhiiggoodu daadanayo ay ku jiraan qaar aannu is garanayno, sida Jen. Galaal oo ahaa oday Soomaaliyeed oo aan anigu shakhsiyan aad u garanaey aad iyo aad baan uga tacsiyaynayaa.” ayuu yiri Md Biixi.

Jen. Galaal oo ka mid ahaa ruug caddaayada millateriga Somalia ayaa shalay lagu aasay degaanka Guriceel.

Hadalsame Media