Maxay iskaga mid ahaayeen Marshal Georgy Zhukov & Jen Maxamed Nuur Galaal

0

(Hadalsame) 02 Feb 2021 – Xalay waxa Guriceel lagu aasay Georgy Zhukov-kii Soomaaliya. Haddii aanad hore u maqal Joorji Shukov (Georgy Zhukov) wuxu ahaa Janaraaalkii ugu caansanaa qarnigii tegey dalweynihii Midowga Soviet iyo Russia.

Wuxu caan ku yahay in uu ahaa badbaadiyihii magaalooyinka Moscow iyo LeninGaraad (Oo ahayd caasimaddii hore ee Ruushka) markii Jarmalku biyaha iyo cuntadaba ka jareen 444 ta maalmood. Sidoo kale wuxu ahaa khabiirkii military ee dejiyey kaartadii 1945kii Ruushku ku qabsaday caasimaddii Jarmalka ee Berlin, kaartada oo keli ah ma dejin ee waa ninkii watay ciidamadii ugu horreeyey ee galay Baarliin.

Sidoo kale wuxu ahaa xisbi yahan iyo macalin. Waan arkay waanan la’ sheekaystay saraakiil Soomaaliyeed oo Shukovkii gaabnaa uu macalin u noqday bolowgii Todobaatanaadkii. Haddaba xalay waxa Magaalada Guri-ceel lagu aasay Shukov kii Soomaaliya.

Ma aqaan ka saxsan in Shukov ahaa Galaalkii Russia iyo in General Galaal ahaa Shukov kii Soomaaliya, sababta oo ah maalin bay maqashay gabadha weriyaha ah ee Mary Harper iyada oo la’ leeyahay Hadraawi waa Shakespeare kii Soomaalida, markaas bay tidhi ma’aha sidaa ee Shakespeare baa ahaa Hadraawigii Ingiriiska.

General Maxamed Nuur Galaal wuxu sanadkii 1937/38 ku dhashay Tuur Dhuyuc oo aan ka fogeyn magaaladan aan saaka joogo ee Dhuusamareeb ee Caasimadda Gamudug. Wuxu ku barbaaray dugsigana ka galay Degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo dhinaca bari ee Badweynta India ka xigta Samareeb.

Galaal waxa lagu tilmaamaa saraakiishii Militeriga Soomaalida raggii ugu tababarka fiicnaa, dalal kala duwan ayuu tababar milateri u tegey, waana sababta uu ugu hadli jirey afafka Ruushka, English ka iyo Talyaaniga.

General Galaal oo Lockdown kii Ramadaantii hore ee COVID-19ku meel nagu wada go’doomiyey, waqti badanna aannu isu helnay wuxu iiga sheekeeyey dagaalkii 1964kii iyo sida dalku halista u galay xiligaas. Haile Salase wuxu rabay in uu qabsado Magaalada xeebta ah ee Berbera. Laakiin sida uu ii sheegay dhawr taangi oo isagu uu si qarsoodi ku geeyey degaanno xuduudda ah, cadawguna aanu ka war hayn ayaa fashiliyey duulaankaas. Waxa kale oo uu iiga waramay dagaalkii 77kii oo uu ii sheegay in uu allifay toobogaraafiyadiisa dagaalka lagu galay (Military topography).

Arrintaas mar uu iiga waramayey ayuu iiga sheekeeyey in galab isaga oo sida warqaddii weynayd ee kaartada dagaalka uu diyaarad ka raacay Xamar si uu qaybtii 60aad ee Baydhabo ula soo wadaago. Waqtiguna waa bilowgii 1977kii waxan arkay buu yidhi diyaaraddii oo ila dhaaftay Baydhabo oo igala sii tallaabaysa Doolow oo webiga korkiisa maraysa. Haddii kaartadaas ay cadawgu gacanta ku dhigi lahaayeen mustaqbalka Soomaaliya si kale ayuu noqon lahaa maalintaas, sababta oo ah Kaartada waxa ku qornaa dhammaan baraha ciidamada iyo meelaha ay kala joogaan iyo tirada hub iyo ciidan ee talis walba ka hawl geli karta.

Aan ku laabto General Georgy Sukhov e sida General Galaal oo kale wuxu khibraddiisa dagaal iyo geesinimadiisu ku soo shaac baxday oo lagu bartay Dagaalkii Koowaad ee Dunida ee 1914kii oo isaga oo sida Galaal wiil yar ah uu ku helay laba billad geesi. Sidoo kale waxa aad loogu xasuustaa hoggaamintiisii dagaalkii Kurk ee July 1943 oo taariikhda dagaalada ku galay kii ugu Taangiyo badnaa taariikhda dunida (8,000) oo Kaare ayaa ka qayb-galay xarbigaas. Sukhov baana ku guuleystay.

Sidaas si lamid ah General Galaal wuxu hoggaaminayey dagaalkii lagu qabsaday Dirirdhabe oo ahaa mid taariikhda geeska xusuus ku reebay. General Fanta Belay oo ahaa taliyihii Ciidamada Cirka Ethiopia ee taliska Dirirdhabe Nin la’ kulmay kahor inta aan la’ toogan 1989kii wuxu u sheegay in ay marar badan ku sigteen in isaga iyo taliskiisa ciidanka cirkuba ay isu dhiibaan General Galaal. General lagu magacaabo Galaal weerarkiisu wuxu ahaa mid aan kala go’ lahayn ayuu yidhi General Fanta.

Ugu dambayn labada Janaraal oo labuduba dalkooda u soo hooyey guulo taariikhda galay waxay iskaga sii mid ahaayeen aaminsanaanta Askarinimada, fogaan aragga, geesinimada, gaabnida iyo go’aan qaadashada.

Waxa kale oo ay iskaga dhawaayeen da’da ay ku geeryoodeen oo labaduba waxay gaadheen da’da 80ka, laakiin waxa ay ku kala duwanaayeen sida ay u kala geeryoodeen, Zukhov wuxu geeryooday sanadkii 1974kii iyada oo ay ehelkiisii oo dhami hareerihiisa fadhiyaan oo ay si karaamo leh u sii sagootinayaan, laakiin General Maxamed Nuur Galaal oo sidii aan ku bartay habeenka nuskiisa dambe oo dhan Cibaado iyo salaad u taagnaan jirey waxa dilay gacan ka xaq daran.

Ilaahay ha u naxariisto General Maxamed Nuur Galaal iyo Geesi kasta oo maalin u diriray difaaca dalkeena Aabbe.

Waxaa Qoray: Cismaan Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somalia

Hadalsame Media